Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Daah furay Ololaha Iskutashiga ee wax u qabashada dadka Barakacayaasha ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Daah furay Ololaha Iskutashiga ee wax u qabashada dadka Barakacayaasha ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 16 Maarso 2018–Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo daah furay ololaha isku-tashiga ee wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka dadka barakacayaasha ayaa ku bogaadiyey bulshada Gobolka sida ay ugu istaageen wax u qabashada dadka danyarta ah.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in isku tashiga iyo wax wada qabsiga bulshada ay asaas u tahay qorshe yaasha lagu xallinayo dhibaatooyinka haysta barakacayaasha ku nool gobolka Benaadir, maadama ay tahay arrin loo baahnayahay in ay u midoobaan maamulka iyo shacabka.

Related posts

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026

“Waxaan dhammaanteen wada aaminsannahay muhiimadda ay leedahay in dadkeenna barakacayaasha ah ee duruufta adag la nool aynu garab siinno, taasina ma imaaneyso haddii aan ku tiirsanaanno deeq bixiyaasha oo kaliya. Waa in aan cududeenna u mideynaa sidii aan nolol karaamo leh ugu abuuri lahayn walaalaheen.”

Eng. Yariisow ayaa sheegay in barakacayaal kor u dhaafaya shan boqol oo kun oo qof ay ku noolyihiin gobolka Benaadir, badan-kooduna ay ku tiirsan yihiin shaqo maalmeed ay kala soo baxaan nolol maalmoodkooda, balse bisha barakeysan ee Ramadaan uu soo food saaro culeys la xiriira fulinta shaqooyinkas iyagoo sooman.

“Same-falka waxa si weyn noogu booriyey diinteenna suuban, sidaas darteed waa in kaalin muhiim ah ka qaadanna sidii aan afurin ugu sameyn lahayn kumanaanka barakacayaasha ah ee gudanaya waajibaadka soonka, waana arrin kor u qaadaya dareenka walaaltinimo ee aynu u hayno dadka danyarta ah.”

Guddoomiyaha Gobolka ayaa tilmaamay in afarta sano ee soo socota mudnaanta la siin doono sidii dib u deegaameyn dhammeystiran loogu sameyn lahaa barakacayaasha, isagoo ugu baaqay dhammaan shacabka in kaalin muhiim ah ay ka qaataan xal u helidda barakacayasha, maadaama ay kaalin muhiim ah ay ka qaadan karaan koboca dhaqaalaha iyo horumarka gobolka.

 –DHAMMAAD–

Previous Post

Dowladda Shiinaha oo dib u bilaabaysa dhismaha xarumo muhiim ah

Next Post

Dhageyso: Ciidamada xoogga Dalka oo 30 ka tirsanaa maleyshiyada Al-shabaab ku dilay Gobalka Hiiraan

Next Post
Dhageyso: Ciidamada xoogga Dalka oo 30 ka tirsanaa maleyshiyada Al-shabaab ku dilay Gobalka Hiiraan

Dhageyso: Ciidamada xoogga Dalka oo 30 ka tirsanaa maleyshiyada Al-shabaab ku dilay Gobalka Hiiraan

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

April 2, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey aqoon isweydaarsi ku saabsan Qiimeynta Khatarta Musuqmaasuqa, kaas oo socday muddadii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In