Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo daah furay qorshaha horumarinta Qaranka ee Sagaalaad+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo daah furay qorshaha horumarinta Qaranka ee Sagaalaad+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa daah furay Wadatashiga Qorshaha horumarinta Qaranka ee sagaalaad oo lagu qabtay Xarunta D/Hoose ee Muqdisho, si maamulka Gobolka Banaadir ugu darsardo wixii talo iyo tusaale ah.

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa sheegaay in maamulka Gobolka Banaadir uu ahmiyad gaar ah siinayo qorshaha horumarinta Qaranka, bacdamaa bulshada Caasimaddu ay waligood u taagnaayeen midniada, wadajirka iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ayaa balan-qaaday ka maamul ahaan in kaalintooda ay ka qaadanayaan sidii uu qorshahani u noqon lahaa mid taabagal ah, kuna dhisan aragtida iyo baahida bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, sida ay uga go’an tahay in qorshahan lagu saleeyo rayiga qeybaha bulshada ee kala duwan, iyadoo wadatashiyadan lagu soo qabtay gobolada dalka.

Qorshaha Horumarinta Qaranka ayaa arrimaha ugu waaweyn ee uu diiradda saarayo waxaa ka mid ah dhimista fakhriga, dib u habeynta kaabeyaasha dhaqaalaha, tayeynta hay’adaha dawliga , hirgelinta nidaam siyaasadeed loo dhan yahay xoojinta sharciga, garsoorka iyo amniga.

Previous Post

Gudoomiyaha waaxda Horseed ee degmada Yaaqshiid oo ka hadlay waxqabadka maamulkiis “Dhageyso”

Next Post

Wasiirka Cadaadalada oo ka qeyb galay shirka Wasiiradda Arrimaha Gudaha Jaamacadda Carabta iyo qodobo kasoo baxay+Sawirro

Next Post
Wasiirka Cadaadalada oo ka qeyb galay shirka Wasiiradda Arrimaha Gudaha Jaamacadda Carabta iyo qodobo kasoo baxay+Sawirro

Wasiirka Cadaadalada oo ka qeyb galay shirka Wasiiradda Arrimaha Gudaha Jaamacadda Carabta iyo qodobo kasoo baxay+Sawirro

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In