Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo si wada jir ah u Daah furay Wajiga labaad ee mashruuca Nadaafada G/Banaadir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo si wada jir ah u Daah furay Wajiga labaad ee mashruuca Nadaafada G/Banaadir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho 02 June 2018– Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar iyo Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta ka qeyb galay furitaanka wajiga labaad ee Mashruuca Nadaafadda Gobolka Banaadir oo ay iska kaashadeen Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shirkadda Nadaafadda ee lagu magacaabo ECCO.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in shirkadda Nadaafadda ee ECCO mudadii labada sanno ahayd ee ay shaqeynaysay wax badan ay ka qabatay bilicda Caasimadda, iyadoo shaqooyin u abuurtay dadka Soomaaliyeed. Waxuna xusay maadaama ay Muqdisho tahay muraayaddii dalka loo wada istaago hagaajinta bilicdeeda oo nadaafaddu kow ka tahay.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

“Waa mashruuc casri ah sida aad u jeedaan qalabka la soo bandhigay oo nadaafada caasimada kaalin mug leh ka qaadan doona, soona celin doona bilicda Caasimadda. Horumarrada kala duwan ee aan ku tallaabsanayno maalin walba waxey keentay in magaalada la maalgashado, nadaafadduna waa waajib diini ah oo nooga wada baahan inaan ka wada shaqeyno”.Ayuu yiri Duqa Muqdisho Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlayay horumarinta Bilicda Caasimadda ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee da’da weyn ay xusuusan karaan xilligii Muqdisho loo aqoonsanaa mid ka mid ah magaallooyinka ku yaallo qaaradda Afrika ee ugu bilicda quruxsan, hiigsiga maamulkiisuna uu yahay sidii mar kale loo soo celin lahaa taariikhdii Nadaafadeed ee ay caanka ku ahayd magaalada Muqdisho.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay maalgashadaan dalkooda, si ay fursado shaqo uga helaan dhalinyaradu, isla markaana ay Maamulka Gobolka Banaadir ka go’an tahay in ahmiyad gaar ah uu siiyo maalgeshiga si horumarka iyo dib-u-dhiska dalka kaalintooda uga qaataan.

Munaabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) Wasiirro ka tirsan Dawladda, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

 –DHAMMAAD–

 

Previous Post

Talyaaniga oo Ciidanka Booliska ku wareejiyey gaadiid ay ku xiran yihiin qalabka ka hortaga qaraxyada “SAWIRRO”

Next Post

Tababar ku saabsan Waxbarashada Madaniga ee Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post
Tababar ku saabsan Waxbarashada Madaniga ee Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Baydhabo “SAWIRRO”

Tababar ku saabsan Waxbarashada Madaniga ee Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Baydhabo "SAWIRRO"

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In