Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha cusub ee Safaari Aparment-2.
Dhagax dhigaani waxaa goob joog ka ahaa wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiir Dowlaha Wasaaradda howlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda shirkadaha Saafaari iyo IBS-Bank.