Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo faray laamaha Amniga in Caddaaladda la horkeeno Askari dilay Bajaajle

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Daah Furay Mashruuca Dhismaha Waddooyinka Xaafadaha Muqdisho+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Muqdisho April 01, 2019–Duqa Muqdisho ahna Guddomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa faray laamaha amniga in gacanta lagu soo dhigo askarigii dilka u geystay muwaadin Bajaajle ah, si caddaaladda loo horkeeno.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku tilmaamay wax laga naxo falkan foosha xun ee askari ka tirsan CiIdanka Ilaalada Deegaanka Xamar ee (Munishiibiyo) uu ku dilay wiil dhalinyaro ah oo nolol maalmeedkiisa raadsanayay.

Eng. Yarisow ayaa sheegay in dilalka dhalinyarada Bajaajle-yaasha ah ay ku soo laalaabteen Muqdisho, dilkii ugu danbeeyey ee uu geysay shaqsiga ka tirsan CiIdanka Ilaalada deegaanka Xamarna uu Maamulka Gobolka Banaadir aad uga xumaaday qaadayana tallaabo walba oo caddaaladda lagu marsiinayo shaqsigii dilka geystay.

“Waxaan farayaa Hay’adaha Ammaanka in gacanta lagu soo dhigo shaqsigii ka danbeeyey dilka darawalka Bajaajlaha ahaa, si caddaaladda loo horkeeno, Maamulka Gobolka Banaadirna waxaa ka go’an in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado cid walba oo ku xadgudbaysa dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada ku shaqaysa Bajaajka oo dilalkoodu soo noq-noqday”.

Duqa Muqdisho ayaa tacsi u diray ehellada dadka uu ka geeriyooday wiilkii waday Mooto Bajaajka, isagoo u caddeeyey in Maamulka Gobolka Banaadir uu u taagan yahay ilaalinta nafta iyo maalka shacabka Caasimadda, shaqsigii dilka geystayna caddaaladda la horkeeni doono.

—DHAMMAAD—

Previous Post

Guddiga wasiirada ee loo xil saaray qorshaha amniga caasimadda oo xalay kulan ku yeeshay degmada Wadajir

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir “Sawirro”

Next Post
Dhegeyso Barnaamijka Wadajir “Sawirro”

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir "Sawirro"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In