Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Gurigooda ku wareejiyey Qoyska Reer Axmed Beexaani+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Gurigooda ku wareejiyey Qoyska Reer Axmed Beexaani+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay ilaalinta hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed, si looga hortago wax walba oo keeni kara Caddaalad darro.

Guddooomiyaha ayaa furayaasha gurigooda ku wareejiyey qoyska Reer Axmed Xuseen Beexaani oo gurigooda ku yaalla degmada Shibis, gaar ahaan Isgoyska Beexaani si sharci darro ah loogu haystay.

Eng. Yarisow waxuu ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda in meel looga soo wada jeesto wax walba oo caddaaladda wax u dhimaya, isla markaana aan loo dulqaadanayn in si sharci darro ah muwaadiniin Soomaaliyeed guryahooda looga qabsado.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Maamulka Gobalka Banaadir waxuu u taagan yahay ilaalinta nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda, waxaa naga go’an in caddaalad aan ku shaqayno muddadii aan joognayna waad la socotaan inta shaqsi ee guryahoodii dib u helay, taasoo ina tusinaysa sida aan diyaarka ugu nahay ilaalinta hantida shacabka, maantana waa maalin kale oo noo suuragashay in Qoyska reer Axmed Beexaani ay gurigoodii dib u helaan”.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii u danbeeyey dib u habeyn ku sameeyey waaxaha dhulalka Gobolka Banaadir, si loo ilaaliyo isla markaana loo hubiyo sharciyada saxda ah ee guryaha, loogana fogaado in si sharci darro ah lagu qaato guryo ay leeyihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed.

Previous Post

Tababar lagu baranayo wada shaqeynta Booliska iyo Shacabka oo ka furmay Baydhabo+Sawirro

Next Post

Shaqaale ka tirsan dowladda oo tababar loogu soo xirey Muqdisho+sawirro

Next Post
Shaqaale ka tirsan dowladda oo tababar loogu soo xirey Muqdisho+sawirro

Shaqaale ka tirsan dowladda oo tababar loogu soo xirey Muqdisho+sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In