Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo kala hadlay Guddoomiyeyaasha 17ka Degmo Horumarinta Amniga iyo Daadajinta adeegyada asaasiga ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo kala hadlay Guddoomiyeyaasha 17ka Degmo Horumarinta Amniga iyo Daadajinta adeegyada asaasiga ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho 28, Maarso 2018–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ee Caasimadda, waxana looga hadlay amniga, daadajinta adeegyada asaasiga ah, sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha bilic soo celinta magaalada, u-diyaar garowga maalinta Nabadda Adduunka ee 6da bisha Abriil, hannaanka maamulka iyo caqabadaha ku xeeran.

Duqa Muqdisho oo ka tirsan Golaha Amniga Qaranka ayaa kulanka ka sheegay in maamulkiisu uu ka shaqeynayo sidii amni buuxa loogu heli lahaa Caasimadda, kaas oo horseed u yihiin guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Taliyeyaasha ciidamadda, Shacabka dhankoodana la doonayo in ay maamulka kala shaqeeyaan arrimaha dariseynta oo qeyb weyn ka qaadan kara nabadda iyo xasilloonida.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

“Waxaa naga go’an in amni buuxa ay helaan shacabka ku nool Caasimadda, si taas loo xaqiijiyana waa in bulshadu horseed ka noqoto xasillinta amniga magaalada, maamulkana kala shaqeeyaan arrimaha dariseynta oo qeyb weyn ka qaadan kara nabadda iyo xasilloonida Muqdisho.” Ayuu yiri Guddoomiyaha oo ka hadlayey kulanka guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Madaxda Maamulka Gobolka iyo kuwa heer degmo ayaa ka arrinsaday diyaarinta goleyaasha deegaanka ee loogu diyaar garoobayo sidii looga guuri lahaa nidaamkii hore, maadaama qorshuhu yahay in dalka ay ka dhacaan doorashooyin hal qof iyo hal cod ah sanadka 2020 iyo muhiimadda ay leedahay in kaalintooda ay ka qaataan go’aan ka gaarista arrimaha masiiriga u ah dalka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ka dhageystay warbixino ku saabsan diyaar garowga maalinta Nabadda iyo Isboortiga Soomaaliya ee 6da Abriil, Nadaafadda iyo bilicda, dakhliga, amniga iyo siyaasadda ka dhageystay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Ku-xigeennada Goddoomiyaha ee Arrimaha, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed iyo Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.

—DHAMMAAD—

 

Previous Post

Bulshada Gobolka Gedo oo taageeray heshiiskii lagu joojiyey dhismaha darbiga xadka Soomaaliya iyo Kenya

Next Post

Wasiirada Cadaaladda Dowlad Goboleedyada dalka oo casho sharaf loogu sameeyey Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirada Cadaaladda Dowlad Goboleedyada dalka oo casho sharaf loogu sameeyey Muqdisho “SAWIRRO”

Wasiirada Cadaaladda Dowlad Goboleedyada dalka oo casho sharaf loogu sameeyey Muqdisho "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In