Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo kala hadlay Guddoomiyeyaasha 17ka Degmo Horumarinta Amniga iyo Daadajinta adeegyada asaasiga ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo kala hadlay Guddoomiyeyaasha 17ka Degmo Horumarinta Amniga iyo Daadajinta adeegyada asaasiga ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho 28, Maarso 2018–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ee Caasimadda, waxana looga hadlay amniga, daadajinta adeegyada asaasiga ah, sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha bilic soo celinta magaalada, u-diyaar garowga maalinta Nabadda Adduunka ee 6da bisha Abriil, hannaanka maamulka iyo caqabadaha ku xeeran.

Duqa Muqdisho oo ka tirsan Golaha Amniga Qaranka ayaa kulanka ka sheegay in maamulkiisu uu ka shaqeynayo sidii amni buuxa loogu heli lahaa Caasimadda, kaas oo horseed u yihiin guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Taliyeyaasha ciidamadda, Shacabka dhankoodana la doonayo in ay maamulka kala shaqeeyaan arrimaha dariseynta oo qeyb weyn ka qaadan kara nabadda iyo xasilloonida.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

“Waxaa naga go’an in amni buuxa ay helaan shacabka ku nool Caasimadda, si taas loo xaqiijiyana waa in bulshadu horseed ka noqoto xasillinta amniga magaalada, maamulkana kala shaqeeyaan arrimaha dariseynta oo qeyb weyn ka qaadan kara nabadda iyo xasilloonida Muqdisho.” Ayuu yiri Guddoomiyaha oo ka hadlayey kulanka guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Madaxda Maamulka Gobolka iyo kuwa heer degmo ayaa ka arrinsaday diyaarinta goleyaasha deegaanka ee loogu diyaar garoobayo sidii looga guuri lahaa nidaamkii hore, maadaama qorshuhu yahay in dalka ay ka dhacaan doorashooyin hal qof iyo hal cod ah sanadka 2020 iyo muhiimadda ay leedahay in kaalintooda ay ka qaataan go’aan ka gaarista arrimaha masiiriga u ah dalka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ka dhageystay warbixino ku saabsan diyaar garowga maalinta Nabadda iyo Isboortiga Soomaaliya ee 6da Abriil, Nadaafadda iyo bilicda, dakhliga, amniga iyo siyaasadda ka dhageystay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Ku-xigeennada Goddoomiyaha ee Arrimaha, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed iyo Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.

—DHAMMAAD—

 

Previous Post

Bulshada Gobolka Gedo oo taageeray heshiiskii lagu joojiyey dhismaha darbiga xadka Soomaaliya iyo Kenya

Next Post

Wasiirada Cadaaladda Dowlad Goboleedyada dalka oo casho sharaf loogu sameeyey Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirada Cadaaladda Dowlad Goboleedyada dalka oo casho sharaf loogu sameeyey Muqdisho “SAWIRRO”

Wasiirada Cadaaladda Dowlad Goboleedyada dalka oo casho sharaf loogu sameeyey Muqdisho "SAWIRRO"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In