Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo kulan lagu dardargelinayo shaqooyinka la qaatay Maamullada Degmooyinka Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo kulan lagu dardargelinayo shaqooyinka la qaatay Maamullada Degmooyinka Gobolka Banaadir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kulankii ugu horreeyey la qaatay Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, waxuna kula dardaarmay in ay la yimaadaan qorsheyaal dhameystiran oo Caasimadda lagu horumarinayo.

Isbarasho kadib, Guddoomiyaha cusub ayaa soo bandhigay qodobo dhowr ah oo mudnaan u leh maamulkiisa, isla markaana lagula xisaabtamayo qeybaha kala duwan ee hay’adaha gobolka Banaadir, sida, amniga, bilicda, fayo-dhowrka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha Caasimadda.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026

Mudane Cumar Filish ayaa sheegay in degmo walba lagu qiimeyn doono shaqooyinka ay qabto, lagulana xisaabtamayo cid waliba oo ka gaabisay gaarsiinta adeegyada ay bulshada u haysay.

Kulanka Todobaadlaha ah ayaa waxaa sidoo kale lagaga hadlay xoojinta wada shaqeynta laamaha ammaanka iyo Maamulka Degmooyinka, iyadoo laga dhageystay Guddoomiyeyaasha warbixinno la xiriira amniga.

“Guddoomiye waliba waxaan ku qiimeyn doonaa shaqada uu la yimaado, anaguna waan kula xisaabtamaynaa in shacabka loo qabtay adeegyadii maamulka laga sugayay, waa inaad la timaadaan hufnaan iyo shaqo dheeri ah oo bulshadu idinka sugeyso, gaar ahaan arrimaha amniga, bilicda, fayo-dhowrka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha Caasimadda”.

Kulankan oo ah kii ugu horreeyey ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu la qaato qeybaha kala duwan ee Maamulka Gobolka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka, Xoghayaha Guud iyo Agaasimeyaasha waaxaha.

Previous Post

Taliska Ciidanka Asluubta oo 180 sariirood lagu wareejiyay “SAWIRRO”

Next Post

Soomaaliya oo markii u horreysay sameysay guddiga saddex geesoodka Qaran ee Arrimaha Shaqada “SAWIRRO”

Next Post
Soomaaliya oo markii u horreysay sameysay guddiga saddex geesoodka Qaran ee Arrimaha Shaqada “SAWIRRO”

Soomaaliya oo markii u horreysay sameysay guddiga saddex geesoodka Qaran ee Arrimaha Shaqada "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In