Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo kulan lagu dardargelinayo shaqooyinka la qaatay Maamullada Degmooyinka Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo kulan lagu dardargelinayo shaqooyinka la qaatay Maamullada Degmooyinka Gobolka Banaadir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kulankii ugu horreeyey la qaatay Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, waxuna kula dardaarmay in ay la yimaadaan qorsheyaal dhameystiran oo Caasimadda lagu horumarinayo.

Isbarasho kadib, Guddoomiyaha cusub ayaa soo bandhigay qodobo dhowr ah oo mudnaan u leh maamulkiisa, isla markaana lagula xisaabtamayo qeybaha kala duwan ee hay’adaha gobolka Banaadir, sida, amniga, bilicda, fayo-dhowrka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha Caasimadda.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Mudane Cumar Filish ayaa sheegay in degmo walba lagu qiimeyn doono shaqooyinka ay qabto, lagulana xisaabtamayo cid waliba oo ka gaabisay gaarsiinta adeegyada ay bulshada u haysay.

Kulanka Todobaadlaha ah ayaa waxaa sidoo kale lagaga hadlay xoojinta wada shaqeynta laamaha ammaanka iyo Maamulka Degmooyinka, iyadoo laga dhageystay Guddoomiyeyaasha warbixinno la xiriira amniga.

“Guddoomiye waliba waxaan ku qiimeyn doonaa shaqada uu la yimaado, anaguna waan kula xisaabtamaynaa in shacabka loo qabtay adeegyadii maamulka laga sugayay, waa inaad la timaadaan hufnaan iyo shaqo dheeri ah oo bulshadu idinka sugeyso, gaar ahaan arrimaha amniga, bilicda, fayo-dhowrka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha Caasimadda”.

Kulankan oo ah kii ugu horreeyey ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu la qaato qeybaha kala duwan ee Maamulka Gobolka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka, Xoghayaha Guud iyo Agaasimeyaasha waaxaha.

Previous Post

Taliska Ciidanka Asluubta oo 180 sariirood lagu wareejiyay “SAWIRRO”

Next Post

Soomaaliya oo markii u horreysay sameysay guddiga saddex geesoodka Qaran ee Arrimaha Shaqada “SAWIRRO”

Next Post
Soomaaliya oo markii u horreysay sameysay guddiga saddex geesoodka Qaran ee Arrimaha Shaqada “SAWIRRO”

Soomaaliya oo markii u horreysay sameysay guddiga saddex geesoodka Qaran ee Arrimaha Shaqada "SAWIRRO"

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In