Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo la kulmay Darawalada Gaadiidka Dadweynaha ee BL-ka iyo Bajaajta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo la kulmay Darawalada Gaadiidka Dadweynaha ee BL-ka iyo Bajaajta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 23 June 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay gaadiidleyda ka shaqeysa Caasimadda, gaar ahaan kuwa dadweynaha ee BL-ka iyo Bajaajta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya magaalada ay laf-dhabar u yihiin bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka dan’yarta ah oo ka soo saarta nolol maalmeedkooda, sidaas daraadeedna aan loo dul-qaadan karin wax walba oo dhibaataynaya, waxuna dhinacooda ka codsaday in la ilaaliyo shuruucda, lana shaqeeyaa ciidamadda amniga.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Maamulka Gobolka Banaadir waxaa ka go’an in dadkiisa uu dhegaysto,

dhibaatooyinka haystana u kuur-galo, rabitaankoodana ku shaqeeyo, xalkana halkaas ka raadiyo, waana tan aan maanta halkan idin kugu yeernay, si aan xal ugu helno cabashadiina idinkuna u ilaalisaan shuruucda.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in ujeedka kulankani uu yahay mid cabashada gaadiidleyda lagu dhageysanayo,si wax looga qabto dhibaatooyinka ay la kulmaan xiliyada shaqada, iyadoo ujeedku yahay in la wada shaqeeyo meelna looga soo wada jeesto wax walba oo dhibaato ku keenaya gaadiidleyda, dhankoodana wuxuu kula dar-daarmay in sharciga loo hoggaansamo, bixiyaana canshuuraha ku waajibay, taas badelkeedana ay heli doonaan waddooyin iyo shuruucdii difaaci lahayd.

“Waxaan idinka rabnaa in aad la shaqeysaan ciidamada amniga, haddaan amni la helin BL iyo Bajaaj ma socon karaan, ka maamul ahaana waxaa diyaar u nahay cid walba oo dhibaato idiin geysata inaan la xisaabtano oo ilaalino xuquuqdiina.”Ayuu raaciyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow).

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska iyo masuuliyiin ka tirsan waaxaha canshuuraha gaadiidka u qaabilsan Maamulka Gobolka Banaadir

–DHAMMAAD–

 

 

Previous Post

Guddoomiye Tuulax “Waxaan u baahanahay Muqdisho oo ammaan ah” Dhageyso  

Next Post

Madaxweynaha JFS oo Kormeeray Dugsiga Tababarka Janaraal Gordon.”Sawirro”

Next Post

Madaxweynaha JFS oo Kormeeray Dugsiga Tababarka Janaraal Gordon.”Sawirro”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In