RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose ka qaatay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Xildhibaan Cismaan Xaadoole, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Degmada Kaaraan, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda.
Duqa Magaalada ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay doorashadu u leedahay xoojinta hannaanka dimuqraadiyadeed iyo xaqiijinta ka-qaybgalka shacabka, isagoo ugu baaqay muwaadiniinta inay si buuxda uga qaybqaataan geeddi-socodka doorashada, ayna si xor ah u dhiibtaan codkooda. Waxa uu sidoo kale ammaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, hoggaamintiisa ku aaddan hirgelinta doorashooyin ku dhisan ka-qaybgal ballaaran, kuwaas oo ka duwan nidaamyo hore oo xaddidayay codka shacabka.
Dhanka kale, Duqa Muqdisho Mudane Dr. Muungaab ayaa tilmaamay in xaaladda amni ee caasimadda ay tahay mid deggan, isla markaana hay’adaha ammaanku ay si buuxda u gudanayaan waajibaadkooda. Waxa uu xusay in horumar la taaban karo laga sameeyey sugidda amniga guud, isagoo carrabka ku adkeeyay in ay jiraan danley ku faraxsan in magaaladan ay dib ugu laabato marxaladihi cakirnaa ee ay soo martay, sida; dilalkii, qaraxyadi iyo qalalaasihii lagu hoobtay.
Ugu dambayn, Duqa Magaalada ayaa ugu baaqay bulshada caasimadda in ay kaalin mug leh ka qaataan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida, isla markaana ay iska kaashadaan horumarinta nidaamka doorashooyinka iyo dowlad-wanaagga.











