Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Madaxda Maxkamadaha G/Benadir kala hadlay horumarinta Caddaaladda Bulshada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Madaxda Maxkamadaha G/Benadir kala hadlay horumarinta Caddaaladda Bulshada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 19 Feb, 2018 — Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo madaxda Maxkamadaha gobolka, gaar ahaan Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Benaadir Mudane Aweis iyo Guddomiyaha Racfaanka Gobolka Benaadir Mudane Salah ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa adeegyada ay u hayaan maxkamaduhu bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda.

Eng. Yarisow ayaa si aad ah uga hadlay arrimaha dhulka, sheegeyna in loo baahanyahay in loo cadaalad falo dadka saxda ah, halka kuwa been abuurka wadana loogu baahanyahay in meel looga soo wada jeesto oo si adag loola xisaabtamo, bacdamaa ay danbi tahay in dokumenti been abuur ah la sameysto.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in maamulkiisu uu ahmiyad gaar ah siinayo horumarinta caddaaladda oo qayb weyn ka qaadan karta nabadgalyadda, horumarka dhaqaalaha iyo kalsoonida bulshada dhexdeeda.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay idinka sugayaan garsoor cadaalad ku dhisan, waxaan idin ku boorinayaa inaad sharciga ku dhaqankiisa horseed u noqotaan oo bulshada si siman oo caddaalad ah loogu adeeggo, gaar ahaan arrimaha dhulalka la isku heysto, isla markaana aad iska dhega tirtaan cid walba oo dooneysa in sharciga la hareer maro. Waddankan si uu horumar u gaaro, waxuu u baahan yahay caddaalad, idinkuna kaalin weyn ayaad ku leedihiin sidii caddaaladda loo dhaqangelin lahaa”. Ayuu yiri G. Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha ayaa sheegay ujeedka kulankani inuu yahay sidii loo yeelan lahaa iskaashi buuxa, isla markaana loo dhowri lahaa waajibaadka ka saaran ilaalinta shacabka iyo dadka nugul .

Maamulka cusub ee hoggaamiyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Yarisow ayaa ka shaqeynaya sidii loo heli lahaa nidaam garsoor casri ah oo baahidda bulshada Soomaaliyeed buuxiya, iyadoo la dhowrayo xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah.

–DHAMMAAD–

Previous Post

DAAWO: Taariikh kooban oo ku saabsan Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac

Next Post

DAAWO: Warbixin ka hadlaysa afar bil kaddib maxaa iska badalay xaaladda mid ka mid ah dadkii ilmahooda ku waayay Qaraxii Zoobe

Next Post
DAAWO: Warbixin ka hadlaysa afar bil kaddib maxaa iska badalay xaaladda mid ka mid ah dadkii ilmahooda ku waayay Qaraxii Zoobe

DAAWO: Warbixin ka hadlaysa afar bil kaddib maxaa iska badalay xaaladda mid ka mid ah dadkii ilmahooda ku waayay Qaraxii Zoobe

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In