Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo socdaal lagu qiimeynayo Xaaladda amni ee Magaaladda Muqdisho ku tagay qaar kamida Isgoysyada G/benaadir.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo socdaal lagu qiimeynayo Xaaladda amni ee Magaaladda Muqdisho ku tagay qaar kamida Isgoysyada G/benaadir.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimada Muqdisho oo xalay booqasho ku tagey qaar kamid ah isgoysyada ugu muhiimsan magaalada Muqdisho ayaa soo arkay howlgallo ay wadeen Ciidanka Amniga. Waxa uuna halkaas kula kulmay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku caweynayay waddooyinka, kana wareystay xaaladdooda iyo sida uu yahay ammaanka degaanka.

 

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Gudoomiyaha ayaa dhalinyarada ku nool Caasimadda ku boggaadiyey sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan Ciidanka Amniga ka shaqeynaya.

“Dhalinyarada Caasimadda oo aan caawa la sheekeystay waxay igu farxadgeliyeen sida ay u jecelyihiin Madaxdooda iyo sida ay gacanta ugu siinayaan ciidanka amniga”.

Eng. Yariisoow ayaa ku adkeeyey bulshada ku nool Degmooyinka Gobolka Benaadir in ay sii xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha ammaanka, maadaama ay u shaqeynayaan sidii cadowga baneystay dhiigga shacabka looga hortagi lahaa.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay weheliyaan Wasiirka Amniga iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan laamaha amaanka dalka ayaa kormeer ku tagey xarunta 991 ee Booliiska, isagoo ku dhiirigeliyey howllaha muhiimka ah ee ay bulshadda u hayaan, gaar ahaan howlgalo ay shacabku ku soo wargeliyeen Booliska oo lagu soo qabtay dhagar-qabayaal ka tirsan argagixisada.

“Xarunta 991 ee Booliiska oo kormeerka ku tagnay waxaan ku faraxsanahay warbixino ay shacabka soo gudbiyeen oo lagu howlgalay in lagu soo qabtay nabad-diid farabadan oo shacabka wax yeelo u geysan lahaa. Labo dhagarqabe oo masaajid Kaxda jiifanayey oo Idaacada Andaluus u shaqeynaayey la soo qabtay”.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulkiisu uu ahmiyad gaar ah siiyey isku xirka shacabka iyo ciidanka, iyadoo uu qeyb weyn ka qaadatay barnaamijka dariseynta oo bulshada isku xiray.

Previous Post

Akhriso Isku aadka wareegga 3aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Next Post

Wasaarada Waxbarshada XS oo maanta dib u qaadeysa Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyadda Sare ee Dalka.

Next Post
Wasaarada Waxbarshada XS  oo maanta dib u qaadeysa Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyadda Sare ee Dalka.

Wasaarada Waxbarshada XS oo maanta dib u qaadeysa Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyadda Sare ee Dalka.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In