Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqeyn lagu dilay horjooge ka tirsan argagixisada Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Hor-jooge ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab iyo Ilaaladiisa oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Jilib.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamiga ah ee Mareykanka ayaa duqeyn ay ka fuliyeen meel u dhaw Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay horjooge sare oo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Howlgalkaan qorsheysan ee laga fuliyay agagaarka Saakow ayaa ahaa mid lala eegtay horjooge argagixisada Al-Shabaab ka tirsan oo aan magaciisa la shaacinin, mana jirin shacab wax ku noqday howlgalka inta uu socday.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa caalami ah ayaa si wada jir ah u fuliyay howlgalkan, taasi oo keeneysa in la wiiqo awoodda argagixisada, isla markaana la yareeyo falalka guracan ee ay kooxda kula kaceyso shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka inay markasta ka taxadaraan goobaha shacabka ku badanyihiin inta ay socdaan howlgallada qorsheysan ee cir iyo dhulba ah, kuwaasi oo ay ciidamada ka soo hooyaan guulo wax ku ool ah, iyadoo aan shacabka wax ka gaarsiinin.

War-saxaafadeedkan oo ka soo baxay ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa lagu xusay in la joogteyn doono bartilmaameedsiga horjoogayaasha argagixisada Al-Shabaab, si guud ahaan Soomaaliya loogu soo dabaalo amniga iyo xasilooni waarta.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

SNA and US airstrike kills extremist Al-Shabab in Somalia, say officials

Next Post
U.S., Federal Government of Somalia target al-Shabaab encampment

SNA and US airstrike kills extremist Al-Shabab in Somalia, say officials

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In