Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab,ayaa shacabka ku dhaqan degaanka Ceeloow ee hoos taga degmada Warsheekh ku boorriyay in dowladda lagu garab istaago wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, kaas oo lagu wado inuu dhowaan ka billowdo qeybo kamid ah dalka .
“Dalka waxaa ka socda dagaal Khawarijta looga xoreynayo, dadkaana waxa ay diyaar u yihiin in dowladda ay ku garab istaagaan dagaalka.”
Mudane Muungaab oo ka hadlayay kulan sanadeed duco ah oo lagu qabtay degaanka Ceeloow ayaa intaa ku daray in ay joogaan dhallinyaro fara badan oo hubeysan diraarna u ah in ay la dagaallamaan khawaarijta.