Sunday, April 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi oo si rasmi ah u bilowday

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Maareeyaha guud ee maamulka iyo amniga ee garoonka Aadan Cadde oo la magacaabay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Saadaasha hawada Axmed Macalin Xasan ayaa shaaca ka qaaday in si toos ah loo bilaabay duuliyaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, kadib markii dhawaan heshiis ay Kenya wada gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Saadaasha hawada Axmed Macalin Xasan oo u warramay Warbaahinta Qaranka ayaa hoosta ka xariiqay in duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi ay faa’iido weyn u tahay bulshada Soomaaliyeed oo kalhore dhibaato ku qabay marista Wajir ee Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Related posts

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

April 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

April 11, 2026

“Dhawaanahan waxaad la socotaan in shacabka Soomaaliyeed ay dhib weyn ku qabeen maritaanka magaalada Wajir marka ay u sii socdaan Nairobi, halkoo aad ay dhibaato badan kala kulmi jireen iyo flight ka oo ku dheeraada, diyaaradda marka ay Muqdisho ka kacda 50 daqiiqo ayay u soconeysaa Wajir, halkaas ayaana la joogayaa Wajir, hadana 50 daqiiqo ayay u soconeysaa magaalada Nairobi, markii hore ay tooska ahayd, diyaaradda waxa ay Nairobi u socon jirtay halsaac iyo bar” ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda Duulista oo hadalkiisa ku daray “Dhawaan markii Madaxweynaha Dalka uu booqasho ku tegay Nairobi waxaa mira dhalkeeda noqday in dhibkaas uu Alle ka qaado Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana dib loo bilaabay duulimaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, kaasi oo maanta si rasmi ah uga bilowday Muqdisho, wixii maanta ka dambeeyana diyaaradaha ka kaca Muqdisho waxa ay si toos ah u tegi doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya”.

Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ayaa hoosta ka xaqiiray in diyaaradaha ka duula qaar ka mid ah Gobollada dalka aysan si toos ah u tegi doonin garoonka Jomma Kenyatta ee magaalada Nairobi, isla markaana ay mari doonaan magaalada Wajir, waxaana uu intaa ku daray in diyaaradaha ka duula Muqdisho ay si toos ah u tegi doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Tallaabadaan ayaa ah mid wax weyn u tareysa bushada Soomaaliyeed ee daneyneysa inay helaan duulimaad toos ah oo ay ku tegaan Nairobi, halka markii hore ay mari jireen magaalada Wajir.

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo qado sharaf u sameeyay goleyaasha kala duwan ee Puntland “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Beeraha oo qorsheyneysa inay dib u dayactir ku sameyso toban kanaal

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay Ayax ku dagay qaar ka mid ah gobollada dalka

Wasaaradda Beeraha oo qorsheyneysa inay dib u dayactir ku sameyso toban kanaal

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

April 11, 2026
0

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 ayaa  𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍𝒆

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

April 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Tripoli kaga qayb-galay...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magacowday Guddiga Farsamada ee wada-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed. Guddigan farsamo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland, oo ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In