Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eedeysaneyaal loo heysto dambiyo argagixisonimo oo la horgeeyaya Maxkamadda CQS

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Eedeysaneyaal loo heysto dambiyo argagixisonimo oo la horgeeyaya Maxkamadda CQS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybteeda 60-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa u fariisatay dhagaysiga dacwad loo haysto 14-ruux oo ku eedaysan dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin la shaqaynta kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, u garsoor doonashada kooxda iyo dambiyo kale oo ay ka mid yihiin falal argagixiso.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka qaybteeda 60-aad gaashaanle Maxamuud Maxamed Iidow ayaa maxkmadda ka hor akhriyay dambiyada loo haysto eedaysanayaasha, isagoo codsaday in la marsiiyo sharciga Islaamka, si loogu ciqaabo damniyada ay gaysteen oo qaar ka mid ah ay qirteen.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Eedaysanayaasha oo 3-ka mid ah ay ciidan ahaayeen ayaa iyagana maxkamadda la horkeenay eedo loo haysto oo ay ka mid yihiin la shaqaynta kooxda Khawaarijta iyo dayacaadda hubkii lagu aaminay ee ay Qaranka ugu shaqaynayeen.

Gaashaanle Sare Aaden Abuukar Maxamed guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybteeda 60-aad ayaa soo xiray fadhiga dhagaysiga dacwadda, isagoo xusay in maxkamaddu dhawaan soo saari doonto go’aanka xukunka eedaysanayaasha 14-ta ah ee dambiyada kala duwan ku eedaysan.

 

Previous Post

Labada Gole Baarlamaanka JFS oo yeelanaya kulan wadajir ah

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Guddiga Dib-u-daabacaadda Shilin Soomaaliga

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Guddiga Dib-u-daabacaadda Shilin Soomaaliga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Guddiga Dib-u-daabacaadda Shilin Soomaaliga

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In