Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eng Yariisow: Hoggaamiyihii ay u baahneed Muqdisho.!!!

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Eng Yariisow: Hoggaamiyihii ay u baahneed Muqdisho.!!!
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hogaamiyaha dhab ah waa kan leh aragti iyo furfurnaan una dabacsan bulshadiisa, sidoo kalana fahma baahiyaha ay qabaan dadka uu hoggaamiyo, lana yimaada qorshe ku dagsan howl qabad ku aadan waqtigiisa.

 

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya inkastoo sanadihii ugu danbeeyay ay ka jireen isbadalo, hadana waxaa muuqatay inay maqanyihiin adeegyo badan oo lagama maarmaan u ah Bulshada Caasimadda kuwaas oo ay tabayeen dadka dagan magaalada.

Maamulka Gobalka Banaadir ee uu hoggaamiyo Eng. C/rixmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa ku guulaystay daadajinta maamulka, iyadoo inta badan degmooyinka Gobalka Banaadir laga hirgeliyay xarumo laga helo adeegyada uu bixiyo Gobalka Banaadir. talaabadaan ayaa waxaa soo dhoweeyay dad badan oo xiliyadii hore ay qasab ku ahayd inay tagaan xarunta dowladda hoose si ay u helaan adeegyada ay ka rabaan maamulka Gobalka Banaadir.

Gurmadka deg dega ah iyo in la helo xarumo gaar ah oo ay ku diyaarsanyihiin Dabdamisyo ayaa sidoo kale ahayd baahiyaha muddada dheer ay qabeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda, hase ahaatee latashiyo badan oo maamulka Gobalku la sameeyay Shacabkiisa ayaa waxaa u soo baxday in lagama maarmaan ay tahay in si deg deg ah looga jawaabo baahidaas.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir Eng. C/rixmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa shalay si rasmi ah u dhagax dhigay xarunta Dabdamiska iyo Gurmadka deg dega ah ee Degmada Hodan, taas oo loogu talagalay inay si deg deg ah looga jawaabo dhib kasta oo ka dhaca ilaa Afar degmo oo kala ah, Hodan, Howlwadaag, Waabari iyo Xamar-Jajab.

“Maamulka Gobalka Banaadir waxaa ka go’an inuu noqdo maamulkii u adeegayay shacabka, dhageysanayay, tana waxay ku timid ka dib markii aan dhagaysanay shacabka baahiyahooda waxaa soo baxday in shacabka baahi wayn u qabaan Dabdamiska iyo Gurmadka deg deg ah, anagana waxaan garanay in lagama maarmaan ay tahay in adeegyadaan hoos loo daadajiyo lana geeyo xarumaha dadka u dhow, sidoo kale waxaa noo qorshaysan in adeegaan laga helo dhammaan degmooyinka Gobalka.” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

Maamul wanaaga, isla xisaabtanka, saxida nidaamka maaliyadda, la dagaalanka musuqa, dhismaha iyo dayactirka Jidadka, ayaa sidoo kale ah tilaabooyinka muhiimka ah ee uu qaaday mudada kooban ee uu shaqaynayo maamulka Gobalka Banaadir.

Magaalada Muqdisho haatan waxaa ka jira isbadal wayn oo la taaban karo, laakiin sida dunida oo dhan leesla ogyahay, isbadal kasta oo guuleysta wuxuu ka yimaadaa Shacabka marka ay helaan hoggaan u diyaarsan howl qabad fuhan, waxaana haatan muuqata inay isla jaan qaadeen shacabka iyo hoggaanka Gobalka Banaadir.

Maxamed Kafi Sheekh Abuukar

 

Previous Post

Guddoomiye Maxamed Mursal oo maanta la caleema saarayo

Next Post

WARBIXIN:-30 ilmiriqsi oo kasta geedaa laga jaraa Soomaaliya oo dhuxul looga dhigo

Next Post
Kenya oo mamnuucday ka ganacsiga Dhuxusha

WARBIXIN:-30 ilmiriqsi oo kasta geedaa laga jaraa Soomaaliya oo dhuxul looga dhigo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In