Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eng. Yarisow “Argagixsadu waxay beegsadaan Nafta iyo maalka Shacabka”+ Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Eng. Yarisow “Argagixsadu waxay beegsadaan Nafta iyo maalka Shacabka”+ Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane;  Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow), ayaa sheegay in argagaxisadu ay beegsanayso nafta iyo hantida Shacabka Soomaaliyeed, halka uu maamulka Gobolka Banaadirna u taagan yahay dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa kormeer ku sameeyey Garoonka Qoob-dooro ee Degmada Kaaraan, Xarumaha Degmooyinka Howlwadaag, Hodan , iyo Bullaacadda No4 oo dhammaantood howlo shaqo oo dib loogu dhisayo uu M/mulka Gobolka Banaadir ka wado, isagoo ugu baaqay shacabka Caasimaddu in ay u midoobaan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalkooda.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in xarumaha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ay burburiyeen kooxaha argagixisadu, Maamulka Gobolka banaadirne uu dib u dhisayo si loogu adeeggo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo goobaha dib loo dhisayo uu ku jiro Masjidka Degmada Howlwadaag ee ku burburay qaraxii argagixisadu la beegsadeen.

“Argagixsadu waxay beegsanayaan nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed ee waxba galabsan, Maamulka Gobolka Banaadir na waxuu u taagan yahay badbaadinta iyo dib u dhiska Caasimadda’.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kormeer ku sameeyey Bullaacadda No4 oo dib loo howlgeliyey, maadaama loo diyaar garoobayo waqti roobaadka.

Maamulka Gobolka banaadir ayaa xoogga saaray dib-u-dhiska xarumaha muhiimka ah ee Caasimadda, iyadoo fursado shaqo ay ka heleen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Previous Post

U.S. Ambassador Don Yamamoto condemns terrorist attack in Mogadishu

Next Post

Dowladda Qadar oo cambaareysay weerarkii argagixisada ay ka fulisay Muqdisho

Next Post
Dowladda Qatar oo sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya

Dowladda Qadar oo cambaareysay weerarkii argagixisada ay ka fulisay Muqdisho

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In