Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eng.Yarisow “Waxaan bogaadinayaa dhabar adayggii aqoonyahannada Soomaaliyeed ay ku samata bixiyeen Waxbarashada dalka” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Eng.Yarisow “Waxaan bogaadinayaa dhabar adayggii aqoonyahannada Soomaaliyeed ay ku samata bixiyeen Waxbarashada dalka” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Ogoosto 08, 2018– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabad lagu maamuusayey sanad-guurada 20-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Jaamacadda Muqdisho ayaa ku boogaadiyey dadaallada ay ku bixiyeen aqoonyahannada Soomaaliyeed badbaadinta mustaqbalka da’yarta iyo hirgelinta fursadaha waxbarasho ee dalka.

Related posts

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026

Guddoomiyaha ayaa dul istaagay dhabar adayggii iyo hal abuurkii bahda waxbarashadu ay ku samata bixiyeen waxbarashada dalka wakhtiyadii burburka, isagoona sheegay in dhammaan hawlwadeennadii wakhtigooda iyo maalkoodaba u horay barbaarinta iyo kobcinta aqoonta jiilasha maanta ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka shacabka Soomaaliyeed.

“Iyadoo dalka ay ka jirto xaalad adag, qofkastana ay nolashu ku culustahay ayaa waxaa horumarinta waxbarashada dhexda u guntaday aqoonyahanno Soomaaliyeed oo aan helin taageero dowladeed, maantana waxa ay ina gaarsiiyeen in aan ku faani karno heerka waxbarasho ee ka jirta dalka.”

Eng.Yarisow ayaa sheegay in dib u kabashada dalka, dowladnimada iyo kobaca wacyiga bulshada ay xoojinayaan nidaamka waxbarashada dalka, culayskana ay ka fududeysay, gaar ahaan mideynta manhajka,isku xirka bahda waxbarashada, taakuleynta iyo tayeynta macalimiinta, dalladaha iyo xarumaha waxbarashada.

“Aqoonyahannada Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay udub dhexaad u noqdaan qorshayaasha lagu wajahayo caqabadaha dib u dhigay himilooyinka shacabkeenna oo ay ugu horreyso qabyaaladda iyo musuqmaasuqa, sababtoo ah aqoontu ayaa lagu daaweeyaa dhibaatooyinka soo food saara ummadaha.”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu hambalyeeyay maamulka,macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda Muqdisho sannad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay asaaska Jaamacaddan,waxa uuna kula dardaarmay in qoondo waxbarasho loo sameeyo dadka barakacayaasha ah, maadaama aysan dhaqaale ahaan inta badan awoodi karin ku biirista Jaamacadaha.

—DHAMMAAD–

Previous Post

Ra’iisul wasaare Kheyre oo Dalka dib ugu soo Laabtay

Next Post

Nabad diidka Al-Shabaab oo Degmada Xarar-dheere ku xiray Waxgarad kasoo horjeestay amarro ay soo saareen

Next Post
Nabad diidka Al-Shabaab oo Degmada Xarar-dheere ku xiray Waxgarad kasoo horjeestay amarro ay soo saareen

Nabad diidka Al-Shabaab oo Degmada Xarar-dheere ku xiray Waxgarad kasoo horjeestay amarro ay soo saareen

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In