Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa xaqiijiyay in dhulgariirkii ku dhuftay dalkiisa uu ahaa mid ka mid ah masiibooyinka dabiiciga ah ee ugu weynaa taariikhda inata la xasuusto, isagoo ku intaa ku daray in dhimashadu ay gaartay 3,549 qof, halka dhaawacana uu gaaray 22,168 oo ruux.
Khudbad uu jeediyay maanta oo Talaado ah ayuu Madaxweynaha Turkiga, ku sheegay in 54,000 oo xarumood laga sameeyay aagagga dhulgariirka uu ka dhacay si loo samata bixiyo dadka ay waxyeelladu gaartay.
Sidoo kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxa uu shaaca ka qaaday in lacag ka badan 5 bilyan oo dollar ay u qoondeeyeen howlaha samata bixinta, iyadoo ciidamada kala duwan ee Turkiga iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka qeyb qaadanayaan howlaha samata bixinta.
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐ฑ๐๐๐ ๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ค๐
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...











