Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergayga Abaarah Oo Kulan La Qaatay Qaar Kamid ah danjireyaasha Waddamada

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Ergayga Abaarah Oo Kulan La Qaatay Qaar Kamid ah danjireyaasha Waddamada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, madaxa ugu sarreeya hay’adda Kaalmada iyo Hormarinta Caalamiga ah ee Mareykanka, Danjire Samantha Power iyo Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan, ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan looga hadlayay arrimaha Abaaraha Soomaaliya.

Kulanka oo ay kasoo qeyb-galeen qaar ka mid ah danjireyaasha waddamada Soomaaliya deeqaha siiya sida; Mareykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ingriiska, Turkiga, Sucuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Qatar ayaa si guud diiradda loogu saaray xaaladda abaaraha Soomaaliya, halka uu maraayo dedaalka gurmadku iyo sida loo sii dardar-gelin karo.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Samantha Power ayaa Tiri ” Waxaan u mahadcelinayaa,Waxayna ku dhawaaqdey 476 milyan oo deeq dheeriya ah taas oo ka dhigeysa tirada lacagta guud ee Mareykanku ku deeqay Soomaaliya sanadkaan 668 Milyan. “. Samantha ” Oo sidoo kale sheegtay in dowladdeedu ay dedaal ku bixineyso u qareemidda Gurmadka Abaaraha Soomaaliya”.

Waddamada kale ayaa dhankooda ka warbixiyay deeqaha ay siiyaan Soomaaliya, iyagoo muujiyay sida ay u daneynayaan sii xoojinta dedaallada ku aaddan gurmadka abaaraha.

Ergeyga ” Ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka deeqda ay kordhiyeen, isagoo ugu baaqay dowladaha kale in ay ku daydaan dowladda Mareykanka, wuxuu kaloo ergeygu uga mahad celiyay Danjire Samantha Power, booqashada ay ku timid Soomaaliya, taasoo indhaha caalamka ku soo jeedineysa mushkiladda Abaaraha ee ka aloosan waddanka” Ayuu yiri Ergayga Gaarka ah ee arrimaha Bini’aadannimo ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Ergeyga ” ayaa sidoo kale ku ammaanay dhammaan waddamada shirka kasoo qeyb-galay taakuleynta macnaha leh ee ay ka geysteen abaarta xun ee ka taagan waddanka, isagoo ka codsaday in ay kordhiyaan deeqaha ay ku bixinayaan gurmadka Abaaraha”.

Ugu danbeyn Ergeyga ayaa shirka ka codsaday gacan ka geysashada fududeynta xawilaadda lacagaha si ay qurba-joogta ugu sahlanaato door ka ciyaarista samata bixinta dadkooda.

Previous Post

Guddiga La Dagaalanka musuqmaasuqa Oo Ka Warbixiyay Shaqadii u Qabsoontay “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Siweyn Loogu Soo Dhaweeyay Qaahira

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Siweyn Loogu Soo Dhaweeyay Qaahira

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Siweyn Loogu Soo Dhaweeyay Qaahira

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In