Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergayga Abaarah Oo Kulan La Qaatay Qaar Kamid ah danjireyaasha Waddamada

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Ergayga Abaarah Oo Kulan La Qaatay Qaar Kamid ah danjireyaasha Waddamada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, madaxa ugu sarreeya hay’adda Kaalmada iyo Hormarinta Caalamiga ah ee Mareykanka, Danjire Samantha Power iyo Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan, ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan looga hadlayay arrimaha Abaaraha Soomaaliya.

Kulanka oo ay kasoo qeyb-galeen qaar ka mid ah danjireyaasha waddamada Soomaaliya deeqaha siiya sida; Mareykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ingriiska, Turkiga, Sucuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Qatar ayaa si guud diiradda loogu saaray xaaladda abaaraha Soomaaliya, halka uu maraayo dedaalka gurmadku iyo sida loo sii dardar-gelin karo.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Samantha Power ayaa Tiri ” Waxaan u mahadcelinayaa,Waxayna ku dhawaaqdey 476 milyan oo deeq dheeriya ah taas oo ka dhigeysa tirada lacagta guud ee Mareykanku ku deeqay Soomaaliya sanadkaan 668 Milyan. “. Samantha ” Oo sidoo kale sheegtay in dowladdeedu ay dedaal ku bixineyso u qareemidda Gurmadka Abaaraha Soomaaliya”.

Waddamada kale ayaa dhankooda ka warbixiyay deeqaha ay siiyaan Soomaaliya, iyagoo muujiyay sida ay u daneynayaan sii xoojinta dedaallada ku aaddan gurmadka abaaraha.

Ergeyga ” Ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka deeqda ay kordhiyeen, isagoo ugu baaqay dowladaha kale in ay ku daydaan dowladda Mareykanka, wuxuu kaloo ergeygu uga mahad celiyay Danjire Samantha Power, booqashada ay ku timid Soomaaliya, taasoo indhaha caalamka ku soo jeedineysa mushkiladda Abaaraha ee ka aloosan waddanka” Ayuu yiri Ergayga Gaarka ah ee arrimaha Bini’aadannimo ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Ergeyga ” ayaa sidoo kale ku ammaanay dhammaan waddamada shirka kasoo qeyb-galay taakuleynta macnaha leh ee ay ka geysteen abaarta xun ee ka taagan waddanka, isagoo ka codsaday in ay kordhiyaan deeqaha ay ku bixinayaan gurmadka Abaaraha”.

Ugu danbeyn Ergeyga ayaa shirka ka codsaday gacan ka geysashada fududeynta xawilaadda lacagaha si ay qurba-joogta ugu sahlanaato door ka ciyaarista samata bixinta dadkooda.

Previous Post

Guddiga La Dagaalanka musuqmaasuqa Oo Ka Warbixiyay Shaqadii u Qabsoontay “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Siweyn Loogu Soo Dhaweeyay Qaahira

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Siweyn Loogu Soo Dhaweeyay Qaahira

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Siweyn Loogu Soo Dhaweeyay Qaahira

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In