Ergeyga Dowladda FS u qaabilsan ururka Iskashiga wadmada Islaamka(OIC) Dr.Ibraahin Aadan Muuse, ayaa waraaqihii aqoonsiga u gudbiyay Dr.Xuseen Ibraahin Taah oo ah Xoghayaha Guud ee ururkaasi.
Kulanka dhinacyadaasi oo ka dhacay magaalada Jiddah ayaa waxaa laga wadahadlay baahida loo qabo xaqiijinta siyaasadda dunida ee dalalka Islaamka.
Ergeyga Dowladda FS u qaabilsan ururka Iskashiga wadmada Islaamka(OIC), waxa uu ka mahadceliyay sida diiran ee loo soo dhoweeyay, isagoo ballanqaaday in uu ku dadaali doono ballaarinta xiriirka iyo wax wada qabsiga.
Ururka Iskashiga wadmada Islaamka(OIC), waxaa la aasaasay 1969- kii,waxaana ku bohoobay 57 dal oo islaam ah.