Saturday, April 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha abaaraha oo baaxadda abaaraha ugu warbixiyay xukuumadda.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Ergeyga gaarka ah ee arrimaha abaaraha oo baaxadda abaaraha ugu warbixiyay xukuumadda.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta warbixin ku saabsan saameynta iyo baaxadda Abaaraha la wadaagay Banbaxa Gollaha Wasiirada JFS.

Ergaygu wuxuu sheegay in abaarta daran ee dalka ka jirta ay ay saameysay ku dhowaad 7.8 milyan oo qof, taasoo u dhiganta ku dhawaad 50% tirada guud ee dadkeenna, sidoo kale wuxuu xusay in hal milyan oo qof ay barakicisay abaartu, halka uu Golaha uga warbixiyay waxyaalaha u qabsoomay muddadii uu magacawnaa.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026
Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

April 11, 2026

Wuxuu muujiyay jiritaanka midnimo iyo u heellanaan xooggan oo ka dhex jira hay’adaha dowladda iyo sida ay u fududaatay hawlgelinta miisaaniyad cusub oo Bankga Adduunku uu u qoondeeyay Abaaraha, xilli Kaalmada bani’aadinnmo/Gargaarka ( HRP) ay kor u kacday 18% ilaa 79%, sidoo kale maalgelinta ka hortagga macluusha ayaa la kordhiyey oo la gaarsiiyey 86%.

Ergeyga wuxuu kaloo warbixin ka siiyay caqabadaha hortaagan ka jawaabista aafada abaaraha, isagoo xusay in sababo la xariira la’aanta dowlad mandate leh oo lala macaamilo intii kala guurka lagu jiray, deeqbixiyayaasha oo daalay (Donor Fatigue), dhaqaale xumo ka dhalatay Covid19, dagaalka Ukrain, iyo sicir bararka ay qayb ka yihiin caqabadaha.

Sidoo kale wuxuu sheegay in kala dhantaalnaanta dhicayada ku howllan howlaha abaaraha, gaari-waaga goobaha ay argagixisadu maamulaan, culeyska amni-xumida iyo loollanka ku salaysan waajibaadka iyo arrimaha isku dabaridka dhaqaalaha ee ka dhex jira hey’ahada dawladda iyo saaxiibada caalamiga ah, siyaasadaha, istratijiayaha iyo qaab dhismeedka hey’adaha dowladda ee ka shaqeya abaaraha oo aan tayesneen ay caqabadaha qeyb ka yihiin.

Wuxuu Ergeyga soo jeediyay sida ugu wanaagsan ee loo dardargelin koro gurmadka abaaraha, isku duwidda gargaarka, isago ku baaqay in coordination ka dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada la xoojiyo iyo in la helo istiraatiijiyad lagu muujinayo baaxadda abaaraha, isla-markaana lagu soo bandhigayo fursadaha dalkeennu haysto, gaar ahaan daboolista amiga cuntada ah (food security) iyo isbedelka cimilada.

Previous Post

Maxkamadda gobolka Banaadir oo u fariisatay dhagaysiga dacwad ka dhan ah Ciyaal weero.

Next Post

Hay’adda Duulista Rayidka Oo Shaacisay In La Jabsaday Bogga Rasmiga ah ee Hay’adda

Next Post
Hay’adda Duulista Rayidka Oo Shaacisay In La Jabsaday Bogga Rasmiga ah ee Hay’adda

Hay’adda Duulista Rayidka Oo Shaacisay In La Jabsaday Bogga Rasmiga ah ee Hay’adda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland, oo ay...

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika ee ay martigelisay Jaamacadda Yangzhou ayaa...

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celinaysa 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sugan Libya

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celinaysa 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sugan Libya

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay...

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo fashiliyay hub si qarsoodi ah Mooto loogu soo geliyay Muqdisho

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo fashiliyay hub si qarsoodi ah Mooto loogu soo geliyay Muqdisho

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Ammaanka ee Caasimadda Muqdisho oo ka duulaya xogo amni oo shacabka Caasimadda ay gacan ka geysteen ayaa caawa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In