Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga Gaarka Ah Ee Arrimaha Beni-aadannimada Oo Gaaray Magaalada Godinlabe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Ergeyga Gaarka Ah Ee Arrimaha Beni-aadannimada Oo Gaaray Magaalada Godinlabe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Beni-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa gaaray magaalada Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

Ergeyga ayaa u kuur-galay xaaladda xeryo ay ku jiraan dad barakacayaal oo ku yaalla duleedka magaalada, hakaasoo ay ku nool yihiin reero intooda badan miyaga ka soo hayaamay, kadib markii xoolahoodii abaarta daran ee dalka ka jirta xaalufisay.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Danyar u badan carruur, haween iyo dad da’ ah oo duruufo ay nafaqa-darro ugu horreyso wajahaya, cudurrana u dheeryihiin, ayaa hoy iyo harsiba ka dhiganaya cooshado baco ka sameysan oo aan qorrax iyo dhaxan toona celi karin.

Abaarta jirta waa ka qira-weyntahay sida dadkeennu u heysto, waxaa ay u gudubtay heerkii macluusha oo ah halkii ugu darnaa, dadka abaaburuhu saameeyeen waxa ay u baahan yihiin garab-qabad soo degdega iyo ka war-qab joogto ah, si aan ugu badbaadno in dadkeenno xeyn-xeyn u dhintaan.

Ergeyga ayaa maanta soo gaaray degaannada Galmudug, u-jeedka socdaalkiisa oo ku qotama u kuur-galidda xaaladda abaarta ee ka jirta degaannada maamulka ayuu ka billaabay degmada Cadaado oo ka mid ah magaalooyinka marti-galinaya barakacayaal xooggan.

Previous Post

Wasiiro Ka Tirsan Hirshabeelle Oo La Wareegay Wasaaradaha Loo Magaacabay

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan Wadatashi Ah La Qaatay Culimada Soomaaliyeed

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan Wadatashi Ah La Qaatay Culimada Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan Wadatashi Ah La Qaatay Culimada Soomaaliyeed

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In