Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha oo soo saaray baaq ku aaddan Xaaladda Abaaraha ee Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha oo soo saaray baaq ku aaddan Xaaladda Abaaraha ee Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u Qaabilsan Arrimaha Beni-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, wuxuu warbaahinta la wadaagayaa xaaladda halista ah ee abaaraha iyo arrimaha beni-aadannimada dalku marayo.

Ergeyga ayaa maalmihii ugu danbeeyay tan iyo markii la magacaabay ku howllanaa xog ururin iyo kulamo wada-tashi ah oo uu la yeelanayay hey’adaha kala duwan ee horay ugu lug lahaa arrimaha beni-aadamnimada, horumarinta iyo gurmadka abaaruha sida; Wasaaradaha dalka, hey’adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya arrimaha musiibooyinka iyo gargaarka, xafiiska Qarmada Midoobay ee Muqdisho, safaaradaha deeq bixiyayaasha ah, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Ujeeddada xog-ururinta horudhaca ah iyo kulamadaa ayaa ahayd in si hufan oo degdeg ah loola tacaalo saameynta abaaraha dalka oo iminka maraya xaalad laga naxo oo u baahan tallaabo deg deg ah.

Natiijooyinka horudhaca ah ee kasoo baxay kulamadaa iyo xog ururintaa waxaa kamid ah in:-

  1. 6.1 milyan oo qof oo Soomaali ah ay halis ku sugan yihiin
  2. Wacyigelin la’aan baahsan ay ka dhex jirto bulshada
  3. Gurmad iyo birmad degdeg oo loo baahan yahay
  4. Deeqaha howlaha gargaarka dalka oo aad u ugu yar baahida jirta
  5. Wadajir iyo wadashaqeyn dhanka siyaasadda ah in ay lagama maarmaan tahay.

Si wax looga qabto qodobada kore, waxaa degdeg loogu baahan yahay in baaqyo kala duwan loo gudbiyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah iyo dawladaha Soomaaliya la saaxiibka ah, isla-markaana la fududeeyo qabashada howlaha hey’adaha kala duwan ee ka howl-gala arrimaha gargaarka, taas oo lagama maarmaaan u ah ka hortagga in abaartu ay macluul isku beddesho.

Ergaygu wuxuu bilaabayaa dhaqdhaqaayo ku aaddan u kuur galidda xaalada abaaraha iyo u qareemista kaalmada dhaqaale ee dibadda.

Ugu danbeyn, Soomaalidu waxa ay tiraahdaa biyo gacmahaaga ayaa looga dhergaa, kaalmada caalamka aan ka heli karno oo waqti qaadan karta waxaa ka dhow in dadka Soomaaliyeed oo dhaqan soo jireen ah u leh in ay is gacan qabtaan ay xilligan xasaasiga ah isku gurmadaan.

Marka aan innaga isku tashanno oo aan wadaagno inta aan haysanno ayay caalamka iyo dadka kalana na taakulayn karaan. Fadlan badaabi walaalkaa iyo walaashaa inta aan la bud-dhigin.

Previous Post

Guddoomiye Golaha Shacabka oo qaabilay Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud

Next Post

JAJ and Jubbaland Ministry of Information discuss speeding up consultations on draft media law

Next Post
JAJ and Jubbaland Ministry of Information discuss speeding up consultations on draft media law

JAJ and Jubbaland Ministry of Information discuss speeding up consultations on draft media law

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In