Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha oo soo saaray baaq ku aaddan Xaaladda Abaaraha ee Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha oo soo saaray baaq ku aaddan Xaaladda Abaaraha ee Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u Qaabilsan Arrimaha Beni-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, wuxuu warbaahinta la wadaagayaa xaaladda halista ah ee abaaraha iyo arrimaha beni-aadannimada dalku marayo.

Ergeyga ayaa maalmihii ugu danbeeyay tan iyo markii la magacaabay ku howllanaa xog ururin iyo kulamo wada-tashi ah oo uu la yeelanayay hey’adaha kala duwan ee horay ugu lug lahaa arrimaha beni-aadamnimada, horumarinta iyo gurmadka abaaruha sida; Wasaaradaha dalka, hey’adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya arrimaha musiibooyinka iyo gargaarka, xafiiska Qarmada Midoobay ee Muqdisho, safaaradaha deeq bixiyayaasha ah, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Ujeeddada xog-ururinta horudhaca ah iyo kulamadaa ayaa ahayd in si hufan oo degdeg ah loola tacaalo saameynta abaaraha dalka oo iminka maraya xaalad laga naxo oo u baahan tallaabo deg deg ah.

Natiijooyinka horudhaca ah ee kasoo baxay kulamadaa iyo xog ururintaa waxaa kamid ah in:-

  1. 6.1 milyan oo qof oo Soomaali ah ay halis ku sugan yihiin
  2. Wacyigelin la’aan baahsan ay ka dhex jirto bulshada
  3. Gurmad iyo birmad degdeg oo loo baahan yahay
  4. Deeqaha howlaha gargaarka dalka oo aad u ugu yar baahida jirta
  5. Wadajir iyo wadashaqeyn dhanka siyaasadda ah in ay lagama maarmaan tahay.

Si wax looga qabto qodobada kore, waxaa degdeg loogu baahan yahay in baaqyo kala duwan loo gudbiyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah iyo dawladaha Soomaaliya la saaxiibka ah, isla-markaana la fududeeyo qabashada howlaha hey’adaha kala duwan ee ka howl-gala arrimaha gargaarka, taas oo lagama maarmaaan u ah ka hortagga in abaartu ay macluul isku beddesho.

Ergaygu wuxuu bilaabayaa dhaqdhaqaayo ku aaddan u kuur galidda xaalada abaaraha iyo u qareemista kaalmada dhaqaale ee dibadda.

Ugu danbeyn, Soomaalidu waxa ay tiraahdaa biyo gacmahaaga ayaa looga dhergaa, kaalmada caalamka aan ka heli karno oo waqti qaadan karta waxaa ka dhow in dadka Soomaaliyeed oo dhaqan soo jireen ah u leh in ay is gacan qabtaan ay xilligan xasaasiga ah isku gurmadaan.

Marka aan innaga isku tashanno oo aan wadaagno inta aan haysanno ayay caalamka iyo dadka kalana na taakulayn karaan. Fadlan badaabi walaalkaa iyo walaashaa inta aan la bud-dhigin.

 

 

Previous Post

Guddoomiye Golaha Shacabka oo qaabilay Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud

Next Post

JAJ and Jubbaland Ministry of Information discuss speeding up consultations on draft media law

Next Post
JAJ and Jubbaland Ministry of Information discuss speeding up consultations on draft media law

JAJ and Jubbaland Ministry of Information discuss speeding up consultations on draft media law

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In