Ergayga Gaarka ah Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Ibraahim Mete Yagli, kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray muhimadda ay leedahay dib u billaabida wada-hadalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.
Ergayga ayaa si mug leh uga mahadceliyay Safiirka doorkii ay dowladiisu ka ciyaartay wada hadalladii hore, waxaana uu la wadaagay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayoย Arrimaha Wadahadallada Somaliland.
Safiirka ayaa dhankiisa soo dhoweeyay dedaallada dowladda, waxaana uu Ergayga u muujiyay garab istaag buuxa.