Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arimaha Caafimaadka iyo Nafaqada Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Nuur ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho madaxa xafiiska UNOCHA Soomaaliya Mr Crispen Rukasha.
Kulanka waxaa looga hadlay xiriirka iyo wada shaqeynta labada xafiis iyo sida loo horumarin lahaa xiriirka caafimaadka iyo Nafaqada Soomaaliya.