Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga Qaramada Midoobay oo bogaadiyey geesinimada iyo dedaalka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Maalinta Saxaafadda Adduunka

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Ergeyga Qaramada Midoobay oo bogaadiyey geesinimada iyo dedaalka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Maalinta Saxaafadda Adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Mogadishu, 3 Maajo 2018 – U astaynta maalinta saxaafada adduunka, Ergyga  Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa maanta bogaadiyey geesinimada iyo dedaalka  suxufiyiinta dalka.

“Waxaan soo dhaweynayaa boqolaal saxafiyiin Soomaali ah oo Gudanaya waajibaadkooda shaqo oo ay dhici karto iney halis la kulmaan mararka qaar,” ayuu yiri Keating. “Warbaahinta saxda ah ee madaxbannaan waa mid lagama maarmaan ka ah dhammaan bulshooyinka dimoqraadiga ah, waa habab muhiim ah oo lagu xoojiyo awoodda si loo xisaabtamo,” ayuu yiri. “Qeyb muhiim u ah saxafada  si ay u qabato shaqadooda waa in la soo afjaraa  dhaqanka ciqaab la’aanta , Nasiib darro, dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta way sii fidayaan.”

Xuska Sannadkan ah ee maalintan waxa hal-ku-dhig u ah ‘Isu dheelitirka awooda: Warbaahinta, Caddaaladda iyo kala danbaynta Sharci.’ hal-ku-dhigani wuxuu si gaar ah ula xiriira  Soomaaliya: sida laga soo xigtay guddiga fadhigoodu yahay New York ee Ilaalada Saxafiyiinta (CPJ), qofna looma hor keenin caddaalada dilka 26 saxafi muddo toban sano ah, iyo sannadkii saddexaad oo isku xiga oo Soomaaliya la siiyay rikoodhkii ugu xumaa ee dunida ee xalin  la’aanta dilalka suxufiyiinta sida ku cad tusmada dadka dambiyada gala ee ciqaabta ka baxsada ee warbixinta gudida ilaalada saxafiyiinta (CPJ) ee  2017.

Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta ee Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOM), taas oo Mr. Keating hogaamiyo, ayaa diiwaan-galiyay xadgudubyada sii socda ee xuquuqda xorriyadda hadalka, oo ay ku jiraan xidhitaanka ama hakinta 14 warbaahineed oo ku yaala Soomaaliya intii u dhaxaysay Agoosto 2016 ilaa Maarso 2018 iyo xadhig aan sharciga waafaqsaneyn oo xabsi ku hayn 131 qof ah sababo la xariira xorriyadda hadalka ee isla mudadaas.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay xubnaha Baarlamaanka Federaalka in ay dib u bilaabaan wadahadalkooda ku aaddan dib-u-habeyn lagu sameeyay sharciga saxafiyiinta Soomaaliyeed ee 2016-ka, isla markaana tixgelin siinayaan liiska wax ka badalka ee sharciga ee ay sanadkii hore u soo gudbiyeen ururada saxaafaddu.

UNSOM iyo Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa soo saari doona warbixin guud  sanadkan aakhirkiisa oo faahfaahinaya xayiraadda sii socota ee ku aaddan xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya maaddaama ay si wadajir ah u baahiyeen warbixintii 2016 ee xuquuqda xorriyadda hadalka.

Previous Post

Madaxweynaha Kenya oo balan qaaday inuu sii wadi doono dadaalada nabad raadinta Soomaaliya

Next Post

Xulka 17-jirada K.Cagta Soomaaliya waa halyeeyo Qaran

Next Post
Xulka 17-jirada K.Cagta Soomaaliya waa halyeeyo Qaran

Xulka 17-jirada K.Cagta Soomaaliya waa halyeeyo Qaran

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In