Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga QM Kay oo cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee lagu qaaday Hoteelka Jazeera

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Nicholas Kay oo cambaareeyay weerarkii Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 26 Luuliyo 2015 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee maanta lala beegsaday Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho oo sababay khasaare dhowr ah oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagaxiso ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. kuwii dilkan geystay kuma guuleysan doonaan inay carqaladeeyaan horumarka iyo dadaalka aan caadiga ahayn ee ay wadaan dadka iyo dowladda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. “Waxaan ammaanayaa sida degdegga ah ee ay goobta u soo gaareen ciidamada amniga Soomaaliyeed iyo gurmadka degdegga ah. Kuwii falkan geystay waa in si degdeg ah caddaaladda loo horkeeno.”

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska iyo asxaabta dhammaan dadkii waxyeelladu soo gaartay, iyo weliba Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale tacsi u diray qoyska iyo saaxiibada Cabdullahi Xuseen Mohamud, oo ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo Saciid Cali Saalah, oo ahaa mas’uul ka tirsan xukuumadda, oo meelo kala duwan lagu kala toogtay laguna dilay shalay.

“Qaramada Midoobay iyo saaxiibada beesha caalamku waxay si wadajir ah oo adag u taageerayaan dadaalka aan ugu jirno inaan dadka Soomaaliyeed gacan ka siino si ay u gaaraan himiladooda oo ah mustaqbal aamin ah oo xasilloon,” ayuu raaciyay Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

-DHAMMAAD-

Previous Post

Guddiga Madaxa bananaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo hogaan doortay

Next Post

NUSOJ oo ka tacsiyeeysay weriye ku dhintay qaraxii Hotel Jazeera

Next Post
NUSOJ oo cambaareeysay falka lagu dhaawacay Wariye Farxaan Suleymaan

NUSOJ oo ka tacsiyeeysay weriye ku dhintay qaraxii Hotel Jazeera

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In