Sunday, March 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergooyinka ka qeyb galay shirka wada tashiga ah ee ka socday Dhuusamareeb oo kulan casuumaad ah loogu sameeyay Guriceel “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ergooyinka ka qeyb galay shirka wada tashiga ah ee ka socday Dhuusamareeb oo kulan casuumaad ah loogu sameeyay Guriceel “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Soomaaliya Mudane Axmed Nuur Sheekh Maxamed (Mashruuc) ayaa sheegay in wafdiga ka socday dowlad Goboleedyada ee ku sugnaa maalmahan Degmada Dhuumasamareeb marti qaad loogu sameeyay magaalada Guriceel.

Mudane Maxamed Nuur Sheekh Maxamed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maamulka Guriceel ay ergooyinka ka qeyb galay shirka Dhuusamareeb qado sharaf ugu sameeyeen beer ku taalo duleedka magaalada Guriceel, isagoo intaa ku daray in ergooyinka ay isugu jiraan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 1, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026

Wasiirka Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Soomaaliya Mudane Axmed Nuur Sheekh Maxamed (Mashruuc) ayaa sheegay in sidoo kale uu Wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Dhiblaawe casho sharaf u sameeyay Wasiirada Howlaha Guud ee dowlad goboleedyada, kaasi oo ujeedkiisu ahaa inay ku kala war qaataan mashaariicda dib u dhiska ee la doonayo in laga hirgeliyo xarumaha Dowlad Goboleedyada.

Wasiirka Howlaha Guud ee Koonfur Galbeed ayaa tilmamay in uu jiro shirweyne ay isugu imaanayaan dhamaan Wasiirada Howlaha Guud ee dowlad Goboleedyada, kaasi oo dhawaan ka furmi doono magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed.

“11-ka bishan ayaan ku balansaneyn in aan shir isugu imaano magaalada Baydhabo balse uu dib nooga dhacay, waxaana rajeynaynaa inaan goor dhaw qabano shirkaas oo aan uga arrinsaneyno dib u dhiska dalka” ayuu yiri Mudane Maxamed.

Mudane Maxamed Nuur Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Galmudug ay kala kulmeen soo dhaweyn walaaltinimo oo aad u sareyso, isagoo intaa ku daray inay ku guuleysteen xaqiijinta amniga qaar ka mid ah deegaannada Galmudug oo iminka ay wafuudda ku marayaan safar dhulka ah.

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka oo sheegtay in Shahaadada baarista COVID-19 laga qaadan karo oo keli ah, Sheybaarka Dhexe

Next Post

Wafuud Ka Tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Oo Lagu Casuumay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Next Post
Wafuud Ka Tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Oo Lagu Casuumay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Wafuud Ka Tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Oo Lagu Casuumay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 1, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur la qaatay qaar ka mid ah madaxda Ururrada siyaasadda...

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

February 28, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan, kuwaas oo jab xooggan lagu...

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmahan lagu baahinayay baraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In