Shirkadda thiopian airlines waxay leedahay qaar ka mid ah dayaaradaha ugu casrisan caalamka, waxayna Mas’uuliyiinta shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa sheegay in 2da bisha Nofeembar ay dib u billaabayaan duullimaadyo toos ah oo tagaya magaalada Muqdisho, iyadoo Tallaabadaas ay noqonaysa markii ugu horreysay, muddo ka badan 40 sano oo diyaarad ganacsi oo ay leedahay dowladda Ethiopia ay duullimaadyo toos ah ka dhex sameyso garoomada caalamiga ah ee magaalooyinka Addis Ababa iyo Muqdisho.
Diyaaraddan oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn qaaradda Afrika ayey howlaheedii duullimaad ee Soomaaliya hakad u galisay sababo la xiriira colaad labada dal dhex martay sannadihii 1970-meeyadii, kaasi oo ahaa Dagaal tobannaan sano ka hor ka dhex qarxay Itoobiya iyo Soomaaliya oo ilaa maanta ay saameyntiisa taagan tahay, ayaa diyaaradaha shirkaddaas ka hor istaagay inay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho.
Loolanka Shariikadaha Diyaaradaha ee Soomaaliya haddii aan fiirino, ayaa waxaa jira Shariikado badan ayaa hadda ka wado duulimaadyo Dalka Soomaaliya, waxaana ka mid ah Shariikadda Turkish airline oo hadda isku xirta Soomaaliya iyo Dunida inteeda kale, iyadoo Turkish Airlines ay si joogto ah ugu duushay Somalia, waxayna dabooshay baahgida ay Dadka Soomaaliyeed u qabeen Duulimadyada noocaan oo kale ah. Waxaa kaloo jirta in Kenya Airways iyana loo ogolaaday inay Maraykanka u duusho.
Bal iminka aannu eegno Loollanka Shariikadaha diyaaradaha ee daneynaya Soomaaliya, Bayaan uu soo saaray agaasimaha guud ee shirkadda Ethiopian Airlines, Tewolde Gebre Mariam, ayaa lagu yiri “Duullimaadyadeennu waxay si dhakhso ah u noqon doonaan kuwo howlgala maalin kasta, waxayna taasi faa’iido u noqoneysaa isgaarsiinta dhinaca socdaalka ee labada waddan, waxayna Soomaaliya u sahleysaa duullimaadyada ku wajahan qeybaha kale ee caalamka”.
Diyaaradda Turkish Airlines ayaa hadda ah tan kaliya ee duullimaadyo caalami ah ka sameysa Soomaaliya, waxayna taasi keeneysaa inay lababada shirkadoo ay tartamaan, taasina waxaa faaiido u tahay Dadka Rakaabka ah, waayo waxaa laga filaa inay helaan qiimo ka jaban kan ay iminka ku raacaan.
Turkish Airlines ayaa Soomaaliya ku xiraysay dunida inteeda kale muddo 6 sano ah, balse arrintan ayaa u muuqata loollan ay diyaaradaha laga leeyahay dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya ugu jiraan inay ka faa’iideystaan ganacsiga duullimaadyada Soomaaliya ku xiraya caalamka kale, iyagoo sidoo kalena u daneynaya dadka Soomaaliyeed oo horay Waddamo kale u sii tagi jiray si ay u raacaan duullimaadyada caalamiga ah, sida Kenya iyo Dubaay ee Dalka Imaaraatka Carabta Midoobay.
Loolankani ayaa yimi kadib markii uu Dalka Soomaaliya bur-bursanaa muddo ku dhow 30 sano, islamarkaana ay meesha ka baxday Shariikaddii Diyaaradaha ee Somali airlines, iyadoo aysan wali cagaheeda isku taagin shirkadda Somali Airlines oo burburtay markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, inkastoo ay jiraan diyaarado maxalli ah oo sameeya duullimaadyo isaga kala goosha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya iyo Imaaraatka Carabta.
Duullimaadyada Ethiopia iyo Eritrea ayaa horrey u bilowday, iyadoo Bishii Juun ay shirkadda Ethiopian Airlines dib u billowday duullimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Asmara ee caasimadda Waddanka Eritrea, ka dib markii ay hakad ku jireen muddo ka badan 20 sano, waxaana jiray in Diyaaradda Itoobiya aysan wax dhaqdhaqaaq ah ka sameynin Eritrea , wixii ka dambeeyay dagaalkii dhex maray labada waddan iyo khilaafkii diblomaasiyadeed ee wakhtiga dheer soo jiitamayay.
Ethiopian Airlines ayaa ah shirkadda uu dakhliga ugu badan ka soo galo Afrika, sida laga soo xigtay guddi daraasadeeya arrimaha shirkadaha ganacsiga, waxaana suurtogal ah in Ethiopian Airlines ay qeyb ka qaadato fududaynta ganacsiga labada waddan, iyadoo Dakhligii shirkaddan uga soo xarooday howlihii ay sameysay sannadkii 2017/2018 ayaa lagu qiyaasay lacag dhan 2.7 bilyan oo doolar.
Tan iyo sannadkii 2013-kii shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa bahwadaag la noqotay shirkado kale oo laga leeyahay qaar ka mid ah waddamada qaaradda Afrika, kuwaasoo ay ka mid yihiin shirkadaha diyaaradaha ee Wadamada Malawi iyo Zambia.
Masuuliyiinta diyaaradda Itoobiya ayaa hadda ku howlan sidii ay u iibsan lahaayeen diyaarad cusub oo ka howlgasha dalka Mozambique, waxayna sidoo kale wada hadallo ku saabsan isla ganacsiyo noocaas ah kula jiraan dowladaha Chad, Djibouti, Equatorial Guinea iyo Guinea.
Duullimaadyada ay ku tegi doonto Muqdisho ayaa la filayaa inay wax weyn ka beddeli doonaan qiimaha tikidhada lagu tago dalalka Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, kuwaasoo ay rakaabku u arkayeen in ay aad qaali u yihiin.
Muqdisho ka hor Ethiopian Airlines waxay qiyaastii muddo labaatan sano ah duullimaadyo ku tegeysay magaalada Hargaysa, iyadoo dhowrkii sano ee ugu dambaysana maalintiiba laba duullimaad oo ka imaanaya Addis Ababa u diraysay Hargaysa, balse waxaa ku yimid arrintaasi in gabi haanba la joojiyo Duulimaadkaasi.
W.D: c/laahi Ruush