Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faah faahin ka soo baxaysa qarax naftii halige ka tirsan Al-Shabaab uu ka geystay Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Baaq nabadeed oo ka soo baxay kulan ka dhacay magaalada Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qarax nafti halige ka tirsan argagixisada uu galabta ka fuliyey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa geystay khasaare nafeed oo soo gaaray dad shacab ah iyo saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka.

Qarax oo ka dhacay banaanka hore ee garoonka kubadda cagta Cabdullaahi Ciise ayaa waxaa uu dhacay galabta qorax dhicii, waxaana ku shahiiday saraakiil ay ka mid yihiin AUN Taliyihii qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga General Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje iyo Taliyihii ciidanka Danab ee Ururka 16-aad guutada 10-aad Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan, Madaxii xasilinta Degmada Caabudwaaq Gaashaanle sare Axmed Baaraaf, oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka Qeybta 21,aad ee Xoogga dalka iyo masuuliyiin kale.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyey geerida saraakiisha, waxaana uu guud ahaan ciidanka xoogga iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid saraakiisha iyo dadkii shacabka ahaa ee cadawgu la beegsaday qaraxa, isagoo caafimaad u rajeeyey inta ku dhaawacantay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa isu diyaarineysay soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaaka Soomaaliya oo socdaal ku maraya magaalooyinka waaweyn ee Galmudug.

Previous Post

Wasaaradda Amniga Galmudug oo ka tacsiyadeysay saraakisha iyo shacabkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Gaalkacyo

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida saraakiishii lagu dilay Gaalkacyo

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida saraakiishii lagu dilay Gaalkacyo

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida saraakiishii lagu dilay Gaalkacyo

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In