Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Faah faahino dheeraad ah oo ku saabsan qasaarihii Al-Shabaab ka soo gaaray dagaalkii Baar-Sanguuni “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Barnaamijyada, Wararka, Wareysiyada
0
Ciidanka Xoogga dalka oo Howlgal ku dilay Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Argagixisada Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Danab ee Jubbooyinka Xasan Maxamed Aadan ayaa sheegay in weerarkii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku soo qaadeen deegaanka Baar-Sanguuni lagu jebiyay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.

 

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Taliyaha oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maleeshiyada Shabaab ay isku dayeen inay weerar qaraxyo ay ku soo galaan xerada ciidanka balse ay iska caabiyeen ciidamada Xoogga Dalka, kaasi oo khasaare loogu geystay maleeshiyada Al-Shabaab.

“Xalay Sagaal saac iyo bar ayuu dagaalku ka dhacay Baar-Sanguuni, halkaasi oo ay deganyihiin ciidamada Federaalka iyo kuwa Jubbaland, labo baabuur qarax ah ayay wateen, ciidamaduna wey fashiliyeen, kadib dagaal culus ayaa goobta ka dhacay, waana la iska caabiyay, anagu labo ayaa naga shahiiday iyo saddex dhaawac ah” ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dagaal qorsheysan oo rogaal celis ah lagu qaaday fariisimada maleeshiyaadka Al-Shabaab kaasi oo isugu jiray duqeyn xagga cirka ah iyo mid lugta ah, isagoo tilmaamay in laga dilay ku dhawaad 90 maleeshiyo ah, lagana saaray ilaa iyo saddex goob oo ay ku qaadi jireen lacago baad ah.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Taliyaha

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/07/Taliye-Xasan-Maxamed-Aadan.mp3

 

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo Xariga ka jaray Sheybaar lagu baarayo tayada qalabka dhismaha Guryaha “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo soo saartay warsaxaafadeed ku aadan gulufka ka dhanka ah Alshabaab

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo soo saartay warsaxaafadeed ku aadan gulufka ka dhanka ah Alshabaab

Dowladda Soomaaliya oo soo saartay warsaxaafadeed ku aadan gulufka ka dhanka ah Alshabaab

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In