Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Faah Faahinta Iyo Sawiirradii Ugu Dambeeyey Ee Booqashada Madaxweynaha JFS Ee Garoowe

admin by admin
9 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
Faah Faahinta Iyo Sawiirradii Ugu Dambeeyey Ee Booqashada Madaxweynaha JFS Ee Garoowe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada Garoowe halkaas oo uu kulamo wadatashi ah kula yeelanayo Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Camey, Guddoomiyaha Barlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland iyo shacabka magaalada Garoowe.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweynaha oo meel fagaare ah kula hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa uga mahadceliyay sida diirran ee ay isaga iyo wafdigiisa u soo dhaweeyeen.

“Waxaan u imid inaan arko xaaladda halkan ka jirta, ayna ugu horreyso inaan nabadda xoojinno oo ka shaqeyno dib-u-heshiisiinta, waxaana jeclahay inaan tago dhawr magaalo oo aan la kulmo cuqaasha, aqoonyahanka, bulshada rayidka ah iyo ardayda Jaamacadaha.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda Puntland oo lagaga hadlay arrimaha amniga iyo horumarinta dhaqaalaha, waxa uuna warbixinno ka dhageystay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Puntland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaalkan oo qaadan doona dhawr maalmood waxa uu ku mari doonaa qeybo kamid ah deegaannada Puntland si uu ugu kuur galo nolasha iyo baahiyaha dadka ku dhaqan gobolladaas.

Previous Post

Daawo Sawiradda Sida Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa loogu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe.

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Puntland “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Puntland “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Puntland "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In