Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faa’iidada Dawladda Soomaaliya ee Shirka Shaqaalaha Aduunka ee Switzerland.

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
DAAWO:- Wareysi Gaar Ah Oo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Raysal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre wuxuu ka qayb galayaa kulan sanadle ah oo lagu qabto magaalada Davos oo ku taala dalka Switzerland isla markaana arrimaha dhaqaalaha iyo Siyaasadda caalamka lagu falanqeeyo, kaas oo ay isugu yimaadaaan shirkadaha adduunka u dhaqaalaha badan oo shirkadda ugu yar sanadkii faa’iido hal Bilyan ah soo xerayso iyada oo aan loo ogolayn shirkadaha yar yar, waxaana lagu casuumaa madaxda dalalka rajjadda maalgashiga laga qabo, kuwaas oo isugu jira Madaxweyne, Raysal Wasaare Iyo Wasiirado.

 

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Waxaa lagu odorosaa khatarta dhaqaale iyo siyaasadeed ee Adduunka ku soo wajahan iyo qaabka looga hortagi karo, waxa kale oo ay shirkaduhu kulankan madaxda uga faa’iideystaan siday xidhiidh ula samayn lahaayeen, goobaha ugu habboon ee maalgashi lagu samayn karana madaxdaas ugala sheekaysan lahaayeen, waxaana la qabtaa doodo iyo aragi isweydaarsi, waxaa lagu marti galiyaa saxafiyiin iyo khubaro la soo xulay.

 

Soomaaliya Waa markii ugu horaysay ee lagu casuumo tan iyo markii kulanka la aasaasay 1971, waxaana muuqata in shirkadaha caalamiga ahi xilligan Soomaaliya xiisaynayaan, isla markaana doonayaan in ay xidhiidh la yeeshaan dawladda Soomaaliya, waana talaabo weyn oo Soomaaliya hore u qaaday marka la fiiriyo ahmiyadda uu leeyahay kulanka Davos ee dalka Switzerland.

 

Shaki kuma jiro in xukuumadda Xasan Cali Khayre dadaal dheeraad ah ku bixisay sidii ay dawladda Soomaaliya uga qayb gali lahayd kulankan, waxaana hubaal ah in sanadkii ay xukuumaddu jirtayba ka shaqaynaysay sidii kulankan ay uga qayb gali lahayd, waana goobaha xukuumadda Khayre ay uga muuqato in ay taqaano qaabka hilabka garabka loo ugaadhsado.

 

Waa arrin mudan in xukuumadda lagu bogaadiyo, sababtoo ah faa’iidada ka soo noqon karta kulankan waxay noqon kartaa mid badan, iyadda oo loo baahan yahay in kulamadan la joogteeyo, sahal maaha in si fudud maalgashi caalamiya lagu helo , waana arrin qaadan karta sannado, una baahan in kalsooni la dhiso, sababtoo ah shirkadaha maalgashiga ku salaysan aad ayey hantidooda ugu baqaan, goobta ay galinayaana waa in ay tahay goob xasiloon. Haddii xukuumadani ay ku dadaasho xasilinta nabadda iyo isu socodka goboladda, waxaa hubaala in muddo kooban kalsooni caalamiya iyo mid maal gasho la heli doono idinka ilaahay.

 

Guusha kale ee kulanka Davos ka soo hooyatay ayaa ah sida ay hay’ada IMF “Hay’ada Lacagta Adduunka” ugu heelantahay in Soomaaliya deynta laga dhaafo haday ku sii waddo shaqada sida ay hadda ku socoto waxayna arrintaasi ka soo baxday kulankay Davos ku yeesheen madaxa Hay’ada IMF Christine Legarde iyo RW Xasan Cali Khayre.

Previous Post

Dhageyso: Madaxweyne Xaaf”guulo ayaan ka gaarnay Socdaalkii Galmudug

Next Post

Dhibane Saneey Gaarane oo Shacabka Soomaaliyeed ka Codsaday inay u gurmadaan+Sawirro

Next Post
Dhibane Saneey Gaarane oo Shacabka Soomaaliyeed ka Codsaday inay u gurmadaan+Sawirro

Dhibane Saneey Gaarane oo Shacabka Soomaaliyeed ka Codsaday inay u gurmadaan+Sawirro

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In