Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faa’iidada Dawladda Soomaaliya ee Shirka Shaqaalaha Aduunka ee Switzerland.

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
DAAWO:- Wareysi Gaar Ah Oo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Raysal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre wuxuu ka qayb galayaa kulan sanadle ah oo lagu qabto magaalada Davos oo ku taala dalka Switzerland isla markaana arrimaha dhaqaalaha iyo Siyaasadda caalamka lagu falanqeeyo, kaas oo ay isugu yimaadaaan shirkadaha adduunka u dhaqaalaha badan oo shirkadda ugu yar sanadkii faa’iido hal Bilyan ah soo xerayso iyada oo aan loo ogolayn shirkadaha yar yar, waxaana lagu casuumaa madaxda dalalka rajjadda maalgashiga laga qabo, kuwaas oo isugu jira Madaxweyne, Raysal Wasaare Iyo Wasiirado.

 

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Waxaa lagu odorosaa khatarta dhaqaale iyo siyaasadeed ee Adduunka ku soo wajahan iyo qaabka looga hortagi karo, waxa kale oo ay shirkaduhu kulankan madaxda uga faa’iideystaan siday xidhiidh ula samayn lahaayeen, goobaha ugu habboon ee maalgashi lagu samayn karana madaxdaas ugala sheekaysan lahaayeen, waxaana la qabtaa doodo iyo aragi isweydaarsi, waxaa lagu marti galiyaa saxafiyiin iyo khubaro la soo xulay.

 

Soomaaliya Waa markii ugu horaysay ee lagu casuumo tan iyo markii kulanka la aasaasay 1971, waxaana muuqata in shirkadaha caalamiga ahi xilligan Soomaaliya xiisaynayaan, isla markaana doonayaan in ay xidhiidh la yeeshaan dawladda Soomaaliya, waana talaabo weyn oo Soomaaliya hore u qaaday marka la fiiriyo ahmiyadda uu leeyahay kulanka Davos ee dalka Switzerland.

 

Shaki kuma jiro in xukuumadda Xasan Cali Khayre dadaal dheeraad ah ku bixisay sidii ay dawladda Soomaaliya uga qayb gali lahayd kulankan, waxaana hubaal ah in sanadkii ay xukuumaddu jirtayba ka shaqaynaysay sidii kulankan ay uga qayb gali lahayd, waana goobaha xukuumadda Khayre ay uga muuqato in ay taqaano qaabka hilabka garabka loo ugaadhsado.

 

Waa arrin mudan in xukuumadda lagu bogaadiyo, sababtoo ah faa’iidada ka soo noqon karta kulankan waxay noqon kartaa mid badan, iyadda oo loo baahan yahay in kulamadan la joogteeyo, sahal maaha in si fudud maalgashi caalamiya lagu helo , waana arrin qaadan karta sannado, una baahan in kalsooni la dhiso, sababtoo ah shirkadaha maalgashiga ku salaysan aad ayey hantidooda ugu baqaan, goobta ay galinayaana waa in ay tahay goob xasiloon. Haddii xukuumadani ay ku dadaasho xasilinta nabadda iyo isu socodka goboladda, waxaa hubaala in muddo kooban kalsooni caalamiya iyo mid maal gasho la heli doono idinka ilaahay.

 

Guusha kale ee kulanka Davos ka soo hooyatay ayaa ah sida ay hay’ada IMF “Hay’ada Lacagta Adduunka” ugu heelantahay in Soomaaliya deynta laga dhaafo haday ku sii waddo shaqada sida ay hadda ku socoto waxayna arrintaasi ka soo baxday kulankay Davos ku yeesheen madaxa Hay’ada IMF Christine Legarde iyo RW Xasan Cali Khayre.

Previous Post

Dhageyso: Madaxweyne Xaaf”guulo ayaan ka gaarnay Socdaalkii Galmudug

Next Post

Dhibane Saneey Gaarane oo Shacabka Soomaaliyeed ka Codsaday inay u gurmadaan+Sawirro

Next Post
Dhibane Saneey Gaarane oo Shacabka Soomaaliyeed ka Codsaday inay u gurmadaan+Sawirro

Dhibane Saneey Gaarane oo Shacabka Soomaaliyeed ka Codsaday inay u gurmadaan+Sawirro

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In