Thursday, May 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faallo: Fahamka qaldan ee xoriyadda Saxaafadda Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 29, 2016
in Wararka
0
Faallo: Fahamka qaldan ee xoriyadda Saxaafadda Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marka aan siddan leeyahay ujeedadu ma’aha in aan weerar ku ah Warbaahinta madaxabannaan, laakiin ujeedada aan ka leeyahay Qormadan waa laga soo bilaabo anniga oo ah qoraha maqaalka ilaa qofka ugu danbeeya oo ah adiga Akhristaha ah, in aan faham guud ka qaadanno xoriyada saxafadda, iyo sidda qaldan ee warbaahinta ama wariyayaashu u adeegsadaan.

Marka dib u eegis lagu sameeyo erayga ”xoriyad” waa eray micno ballaaran xambaarsan oo xitaa lagu cadeeyay Diinta Islaamka, hasse ahaatee marka aad dhinaca kale eegto ma jirto xoriyada iska socta oo aan laheyn dabar ama xad soo celiya, sidda maanta in badan oo naga mid ah aan u isticmaalnay.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo  shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

May 14, 2025
Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

May 14, 2025

Korarka warbaahinta Soomaalida wixii ka danbeeyay bur burkii dowladdii dhexe waxaa laga dhaxlay in ay soo baxaan kooxo wariyayaal ah oo isugu jirra wiilal gabdho runtii aan laheyn khibrad ilaa xad ku fillan oo salka ku heysa mihnada ay ka shaqeynayaan ee saxaafadda oo u baahan in la ilaaliyo si aysan saameyn xun ugu yeellan bulshada inteeda.

Taas ayaa keentay in Idaacadaha, TV-yada iyo Wargeysyada Soomaalida ku soo bataan adeegsiga qaldan ee xoriyada saxaafadda oo loo arkay in wariyuhu u madaxbanaan yahay tabinta, wax kasta oo maskaxdiisa ku soo dhaca isaga oo aan u eegin waxaa uu sii deynayo saameynta bulsho iyo tan xitaa ay ku keeni karto natiisa.

In aad qof iska weerarto micnaheedu ma’aha in aad ku taagan tahay dariiqii xoriyada saxaafadda, laakiin taa waxaa ay noqon kartaa danbi gaar ah oo laga yaabo in marka danbe aad maxkamad ku muteysato, haddii aadan u heyn cadeymo waxa aad ka hadleyso.

Siddoo kale, wax yaabaha la yaabka leh ayaa ah in wariyuhu isku arko mar marka qaar qof ka duwan bulshada inteeda kale oo ay adag tahay in danbi loo raacdo, isaga oo mar mar siiyo ku fillan ka dhiganaya ”xoriyada saxaafadda”’ waxaadna arkeysaa wariye inta badan waqtigiisa ku bixinaya dhaleeceynta shaqsi, hay’ad ama koox bulsho oo laga yaabo in ay jirto colaad gaar ah oo kala dhaxeysa, waana dhibta ugu badan ee maanta ka jirta warbaahinta Soomaalida oo ay ka howlgalaan wariyayaal u arka Idaacadaha, TV-yada, ama Wargeysyada ay ka shaqeeyaan halka kaliya oo ay ku cad goosan karaan iyaga oo waliba ay ka muuqato caadifad qabiil.

Marka aan dib u eegno dowladdaha Mareykanka iyo Ingariiska oo ah kuwa ugu hormarsan Dimuquraadiyada, islamarkaana  dunida inteeda kale u meeriya ilaalinta xoriyda hadalka, kama jirto xoriyad iska socota oo aan laheyn sharci iyo nidaam haga, waxaana hubaal ah in guud ahaan warbaahinta ka howlgasha yihiin kuwo ku dul shaqeeya diilin sharciyeed oo aan dhinacna looga baxsan karin.

Waa sax in Soomaaliya ay adag tahay in la koontaroolo hab dhaqanka wariyaha, laakiin taa badalkeeda mas’uuliyada ugu badan waxaa ay saaran tahay milkiilayaasha & agaasimayaasha warbaahinta madaxabanaan oo waajib uu ka saaran yahay ilaalinta hab dhaqanka iyo anshaxa ay tahay in loo maro adeegsiga xoriyada saxaafadda.

Xoriyada saxaafadda micnaheedu waa in wariyaha la siiyo fursad uu ku gudan karo  waajibkiisa shaqo, isaga oo aan la caburin, ” Tusaale ahaan wariyuhu waxaa uu xaq u leeyahay tabinta war run ah oo leyska hubiyay halka laga soo xigtay xitaa haddii uu warkaasi yahay mid aan u wanaagsaneyn dhinac kale,iyo in aan wariyaha lagu sameyn faafreeb ka baxsan sharciga sidda waddamada qaar ka dhacda oo wariyayaasha lagu cadaadiyo in warka ay u dhigaan si aan aheyn siddii saxda aheyd, iyadoo la ilaalinayo dano gaar ah oo siyaasadeed.

Wariyaha Soomaaliga ah ee xiligan shaqeynaya waxaa uu waajib gaar ah ka saaran yahay dib u dhiska dalkiisa, iyo tabinta macluumaad wax dhisaya ee aan umadda sii kala fogeyn, taas macnaheedu ma’aha in uu ka tago xaqiiqda jirta iyo dhacdo u baahan in bulshada loo gudbiyo [Laakiin sharuuda ku xirran tahay Run ahaansho] oo aan laga laheyn ujeedooyin kale oo maldahan.

Qof wariye ah oo aan la sheekeystay ayaa ii sheegay in mar marka qaar uu naftiisa weydiiyo su’aasha ah nooca xoriyada saxaafadda ee Soomaali ka jirta, madaama ayuu yiri uusan jirin nidaam iyo sharci kala xadeynaya arintan?

Dabcan jawaabta su’aasha waa tan ay tahay in uu is weydiiyo wariye kasta oo Soomaaliyeed, waayo marka aad su’aashan jawaab waafi ah u hesho waxaa ay kaa caawin doontaa in aad wax badan ka ogaato dhibta ka jirta fahamka qaldan ee xoriyada saxaafadda!

Aniga qoraha maqaalkan ah ayaa aamisan in dilka, xariga iyo waliba mar marka qaar dhibaatada shaqada ka soo gaarta wariyaha sababteeda ugu weyn tahay adeegsiga qaldan ee xoriyada saxaafadda oo laga yaabo in intaas oo dhan uu ku muteysto war uu sii dayay oo gaf ku ah shaqsi, koox ama qeyb ka mid bulshada.

Ugu danbeyntii, ka shaqeynta warbaahinta macnaheedu ma’aha in wariyuhu ku tunto xaq uu qof kale leeyahay, taa badalkeedana waxaa muhiim ah in aan u wadda aragno xoriyada laga hadlayo tan qurxisa muuqaalka shaqada wariyaha iyo warbaahinta uu ka howlgalo marka loo adeegsado siddii saxda aheyd.

W/ Qoray C/raxmaan Diini

Previous Post

Faallo: Dareenka Shabaab iyo Doorashooyinka Soomaaliya

Next Post

Madaxweynaha oo ka qeyb galay xaflad lagu weynayo xuska 93 guurada Jamhuuriyadda Turkiga

Next Post
Madaxweynaha oo kulamo la qaatey qeybaha bulshada ee magaalada Baydhabo

Madaxweynaha oo ka qeyb galay xaflad lagu weynayo xuska 93 guurada Jamhuuriyadda Turkiga

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo  shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

May 14, 2025
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ka daahfuray kulan la isugu keenay khubarada, sameeyayaasha...

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

May 14, 2025
0

Wasiika Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo xubnaha Guddiga Maamul-Wanaaga Maaliyadda ee magacooda loo soo gaabiyo (FGC)...

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo shahaadooyin guddoonsiiyay Urur aiyaasadeedyo

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo shahaadooyin guddoonsiiyay Urur aiyaasadeedyo

May 14, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ah ee ururnimo guddoonsiiyey urur-siyaasadeedyo cusub oo soo buuxiyay...

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

May 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka ka jirtay muddo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In