Thursday, August 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

FAALLO:- Gulufka Xoogga Dalka iyo ciribtirka haraadiga Al-shabaab

admin by admin
August 20, 2017
in Wararka
0
FAALLO:- Gulufka Xoogga Dalka iyo ciribtirka haraadiga Al-shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

August 20, 2025
Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

August 20, 2025

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga saaray Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab sanadkii 2011-kii, taasoo si awood leh looga itaal roonaaday, waxaa kaloo laga saaray dhamaan Gobolada Dalka, marka laga reebo goobo yar oo fara ku tiris ahaa, balse dib ayay ula wareegeen goobo horay looga xoreeyay, iyagoo markaasi ka dhigtay goobo laga soo abaabula waxyeeleeynta shacabka Soomaaliyeed, islmarkaana ka furtay wax ay ugu yeereen Maxkamado ay u dacwo tagaan Dadweynaha iyo in lagu baado ganacsatada, looguna hanjabo.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa mar walba ka muujiya cabashooyin ay ka sheeganayaan Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ay ku hayaan, taasi oo isugu jirta baad joogta ah, hanjabaad, Dil iyo dhac hantiyadeed, arrintaasi markii ay soo gaaratay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay Madaxda ugu sarreeysa Dalka gaar haan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul-wasaare Kheyre ay iclaamiyeen in la qaado guluf ka dhan ah Maleeshiyaadkaasi, iyadoo lala kaashanayo Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM iyo Dowladaha la jaalka ah.

Dhawaan ayay aheyd markii howlgal ka dhan ah Maleeshiyaadkaasi ay ka dhaceen Goobo ka tirsan Gobolka Shabeelada dhexe oo ay la wareegeen Deegaanka Cali Fool-dheere iyo kuwa kale oo ku teesan Webiga Shabeelle, waxaase taasi xigay in dhawaan Ciidamada Xoogga Dalku la waraeegeen gacan ku heynta Deegaanka Barriire iyo kuwa ku teedsan oo ka wada tirsan Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelada Hoose, waxaana arrintaasi xaqiijiyay Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Ibraahim aaden Najax.

Guddoomiyaha oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in ciidanka Xoogga Dalka ay howlgalo ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/Hoose, waxaana uu sheegay in ciidanku ay la wareegeen deegaano horey ay ugu sugnaayeen Maleeshiyaadka Al-shabaab. Isagoo xusay in Deegaanada ay dib ula wqareegeen ciidanka xoogga dalka ay ka mid yihiin Bariire, Sabiible, Caanoole, Mareerey iyo tuulooyin kale oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Shabaab.

Guddoomiyaha maamulka Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegey in ciidamada Dowladda si weyn loogu soo dhaweeyey deegaanadii ay qabsadeen, iyadoo la arkayay dadweyne aad u farabadan oo ku faraxsan howlgaladaasi dib u xoreynta ah.

Deegaanka Bariire ayaa kamid ah tuulooyinka hoostaga degmada Awdheegle ee gobolkaasi, halkaasi oo la sheegay in laga taagay calanka Soomaaliyeed, islamarkaana laga dejiyay marada madow ee lagu yaqiinay maleeshiyada Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Shabeelada Hoose ayaa ugu baaqey shacabka ka soo jeeda deegaanadaasi in ay dib ugu so laabtaan guryohooda, islamarkaana laga qaaday culeyskii ay ku hayeen kooxaha argagixisada, wuuxuuna hoosta ka xariiqay Ciidamada Xoogga Dalku ay dib uga soo bixi doonin, ayna sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Kooxaha nabad-diidka ah.

Dhinaca kale waxaa arrintaasi goor dhow ka hadlay Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Iimaan Ceynte oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ay sii socon doonaan Howlgalada Ciidanka Xoogga ay ka wadaan deegaanadii lagala wareegay Al-shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgalada oo shalay Maleeshiyaadka Al-shabaab looga furtay hub kala duwan uu yahay mid aan joogsan doonin ilaa Al-shabaab laga saarayo meelaha wali gobolka Sh/Hoose ay kaga dhuumaaleysanayaan.

Afhayeenku waxa uu intaasi ku daray in maadaama uu gobolka Sh/Hoose yahay meel Istiraatiiji ah lagama maarmaan ay tahay in cadowga aan loo ogolaan in ay ku sii nagaadaan, ciidanka xoogga dalkana ay diyaar u yihiin sidii loo cirib tiri lahaa Maleeshiyaadkaasi, isagoo xusay in Howlgallada socda ay ka duwan yihiin howlgalladii hore maadaama aaneey joogsan doonin inta Argagixisada awoodooda laga wiiqayo.

Wararka ugu dambeeyay ee laga helayo Deegaanadii laga xoreeyay Maleeshiyaadkaasi ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka ee dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka wada deegaano ka tirsan gobolka Sh/Hoose, oo shalay ay kala wareegeen Maleeshiyaadka Al-shabaab, iyada oo baaritaano gaar ah lagu sameynayo Wadooyinka iyo xaafadaha qaar ee deeganadaasi, waxaana la filayaa in loo sameeyo maamullo ka arrimiya Deegaannadaasi, haddaba waxaana dhih karnaa waa Gulufkii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciribtirkii haraadigii Kooxda Al-shaab.

W.Q:- C/llaahi Ruush

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho uga qeyb galay shir ku saabsan Iskaashiga Baarlamaanka FS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada

Next Post

Madaxweynaha oo gaaray Masar

Next Post
Madaxweynaha oo gaaray Masar

Madaxweynaha oo gaaray Masar

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

August 20, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa si rasmi ah u daahfuray Shir heer Qaran ah...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

August 20, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

August 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Cumar Cali Afrax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda...

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

August 20, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Danjire Ibraahim Cumar Sheegow ayaa ka warbixiyay qasaaraha ka dhashay labo doonyood oo ku qalibmatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In