Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

FAALLO: Isbedel Aad loogu Baahnaa In La Arko!!!

admin by admin
9 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
FAALLO: Isbedel Aad loogu Baahnaa In La Arko!!!
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026

Tan iyo intii ay Dhalatay Dowladda Shacabka ee ay Hogaaminayaan Mudane Max’ed C/llaahi Famaajo Madaxweynaha JFS,  Iyo  Ra’iisul wasaare  Xasan Cali Khayre, waxaa guud ahaan wada Iftiimay wajiyada Dad fara badan.

Wajiyo niyad jabay, kana quustay in mar kale aysan arki doonin Qaran wada shaqayn ka dhaxayso isaga iyo  shucuubtiisa, wajiyo in badan la dulminaayey oo shib isaga ahaa dhibaha ay u gaysanayaan Dad asaagooda ah , wajiyo la dhihi karo isbedelka wanaagsan ee maanta ka jira Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed iyaga ayaa u sabab ah, marka laga reebo doonista ilaah.

Haddii arintaas daliil loo raadiyo  waxaa daliil nooga filan , horumarada dhinacayada  Ammaanka,sida dib uga xoraynta goobaha ay dulaysteen ee dalka ka mid ah Argagixida, kororsiimada Dhaqaalaha, La dagaalanka Musuqa, isdabamarinta iyo  dib u hagaajinta kaabayaasha dhaqaalle ee dalka, wax u qabashada inta taagta daran sida Barakacayaasha iyo kor u qaadidadda Niyadaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed Rag iyo Haweenba.

Waxaa jira qorshe xukuumadda ugu talgashay  2017- 2021 oo qeexaya  hadafkii Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi  Farmaajo ee Nabad iyo Nolol,  kaas oo lagu soo koobi karo saddex qodob A- ka-guul-gaarista dalka sida la dagaalanka argagixisada B) Dhisidda hay’adaha garsoorka. c) Kobcinta dhaqaalha iyo abuurka shaqada iyo shaqaalaha., , kuwaas oo lagama maarmaan u ah xasilloonida..

Dhinaca Amaanka  waa udub dhexaadka nolosha, la’aantiisna lama gaari karo wax horumar ah. Sidaas awgeed, sugidda Amnigu waa waajibka ugu sareeya ee saaran Dowladda, shacabkuna kula xisaabtami doono.

In amniga wax laga qabto waxay u baahan tahay fikir cusub iyo hannaan ka duwan kuwii hore, kuna saleysan geesinimo, dhiiranaan iyo go’aan adeyg, si loo badbaadiyo Qaranka, Xukuumadda oo taas ka duuleysa, waxay abbaartay dhabbihii lagu heli lahaa hay’ado Amni iyo Ciidan wax-ku-ool ah, kuwaas oo kasban kara taageerada shacabka.

Howlaha Dhinaca Amniga ee u qabsoomey  Xukuumadda waxaa ka mid ah:

  • Joogteynta mushaaraadka iyo gunnooyinka hay’adaha amniga, taasoo intii mudda aheyd aan suurtogeli jirin.
  • Ka guul-gaaridda xakameynta hubka sharci-darrada ah, taasoo kordhineysa Nabadda iyo deganaanshaha Dalka;
  • Howl-gelinta Ciidammo u gaar ah Nabadeynta Caasimadda, kuwaas oo kormeerro iyo howlgallo joogta ah ka sameeya magaalo madaxda;
  • Qaadidda jid-gooyooyin sharcidarro ah oo lagu waxyeeleyn jiray shacabka, loogana qaadi jiray lacago sharci-darro ah;

Garsoorka Iyo cadaaladda:Dal aan laheyn hannaan hufan oo caddaaladeed ma gaari karo xasillooni, horumar iyo nabad waarta. Caddaalad darradu waa sababta keentay burburka iyo kala dambayn la’ aanta.

Haddaba, Dowladi ma kasban karto shacabkeeda, haddii aysan lahayn Nidaam-caddaaladeed oo suga xuquuqda muwaadinka,isla markaan ilaalinaysa naftiisa, hantidiisa iyo xorriyaddiisa. Iyadoo taas ka duuleysa, Xukuumaddu waxay ahmiyad ballaaran siineysaa hirgelinta nidaam-caddaaladeed oo loo siman yahay waafaqsanna Shareecada  Islaamka, sida uu qeexayo Dastuurka, kana dhaqan galaysa  dalka oo idil, si loo joojiyo gabood-falada iyo caddaalad darrada hareysay ummadda Soomaaliyeed.

Kobcinta Dhaqaalaha:- Xukuumadda FS  waxaa ka go’an in ay xoojiso dhaqaalaha dalka, iyo sidii loo gaari lahaa isku-filnaansho la taaban karo.

Saboolnimada ka jirta Soomaaliya ma’ahan mid dabiici ah  waxaa abuuray colaadaha, iyo xasillooni-darrada ragaaday oo rajo-beel iyo darxumo ku noqotay ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada iyo danyarta, Dhaqaalaha dalku ma kobci karo haddii aan lala dagaallamin musuq-maasuqa, caddaalad-darrada iyo amni-xumada.

Howlaha u qabsoomey Xukuumadda FS ee dhanka kobcinta dhaqaalaha waxaa ka mid ah:

  • Diyaarinta Hindise-sharciyeedyada khuseeya dhaqaalaha sida Sharciga Maareynta Maaliyadda, Sharciga Biyaha, Sharciga Beeraha, Sharciga Shirkadaha, Sharciga Istaatiistikada, Sharciga Kalluumeysiga, Sharciga Batroolka, Sharciga Badda iyo sharciyo kale oo khuseeya kobcinta dhaqaalaha.
  • Ka guul gaaridda soo celinta Astaanta Internetka ee Qaranka (.SO), taasoo noo fududeyneysa in aan la jaanqaadno isbedelka adduunka ee isticmaalka teknoolajiyada iyo internetka.
  • Dib u habeynta qaabka loo maareeyo bixinta kharashaadka dowladda, si loo mariyo habraaca iyo nidaamka Maareynta Maaliyadda.
  • Bilaabidda hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee ah kii ugu horreeyay muddo gaareysa 35 sano

Gurmadka Abaaraha:Waxaa dalka soo maray abaaro ba’an oo soo jiitamaysay dhowr sano, taas oo dhibaatooyin baaxad leh u geysatay kumannaan qoysas Soomaaliyeed.

Abaarta iyo waxyeelladeedu waxay halis ku noqdeen jiritaanka deegaanno, duunyo iyo nolosha dad badan oo shacab ka mid ah.  Xukuumadda oo kaashaneysa shacabka, waxay dusha u ridatay waajibka ah in si deg-deg ah wax looga qabto musiibooyinka abaaraha.

Howlaha qabsoomay dhanka Gurmadka Abaaraha waxaa ka mid ah, Dardar-gelinta howlaha Guddiga Abaaraha dhanka qaylo-dhaanta, abaabulka, uruurinta deeqaha iyo gaarsiinta deeqahaas dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan,wax badana waa laga qabtay, inkastoo ay abaaruhu galaafteen dad iyo duunyo fara badan .

 

 

XIGASHO SONNA.SO

Previous Post

Ciidan Burundi ka socda oo soo gaaray dalka-Sawirro

Next Post

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Dastuurka oo la kulmay safiir ku-xigeenka Germany ee Soomaaliya-Sawirro

Next Post
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Dastuurka oo la kulmay safiir ku-xigeenka Germany ee Soomaaliya-Sawirro

Mas'uuliyiinta Wasaaradda Dastuurka oo la kulmay safiir ku-xigeenka Germany ee Soomaaliya-Sawirro

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In