Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faallo : Nabadgelyada iyo Cadaaladda waa midda ay bulshadu harsato

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Bulshada oo lagu Wacyi galinayo Ahmiyadda Amniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Nabadgelyadu waa harka ugu weyn ee ay harsato bulshada, isla markaana ay ku raadsato adeegeeda iyo nolosha ay u baahan yihiin ,haddii aysan  heysanna ay tahay mid hoos u dhaceysa noloshooda iyo hiigsiga ay ku haminayaan bulshadu,sidaa darted  dowladaan  cusub  waxaa looga fadhiyaa sidii ay horumar la taaban karo ay uga gaari lahaayeen nabadda .

Xukuumaddaan cusub oo ballan-qaaaday in ay dib u habeyn ku sameyn doonto hey’adaha nabadgelyada iyo ka shaqeynta nabadda ayaa haddii ay ku guuleysato noqoneysa dhidibka ugu horeeya oo ay taagto bulshaduna ay horay ugu sii sicoto  horumarkaasi ku dhoisan nolosha bulshada iyo dhaqdhaqaaqeeda dhanka ganacsiga iyo hammigga ay u qabaan hurdo caafimaad leh iyo horumar dhaqan dhaqqale intaba.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Dhanka kale dowladda iyo Xukuumaddu kuma guuleysan karaan sugidda nabadgelyada haddii aysan shacbiga Soomaaliyeed dhankooda aysan kala shaqeyn nababgelyada oo aysan soo sheegin cidda iyaga wax u dhimeysa nababgelyada ay noloshoodu ku xiran tahay waayo  horaa loo yiri far kaliya fool ma dhaqdo ama gacmo wadajir ayey wax ku gooyaan waana taasi midda ay dowladdu iyo xukuumaddu mar kasta u baahan yihin in shacnigu ay la garab istaagaan si ay iyaguna u ballanqaadaaan sugidda amniga bulshada Soomaaliyed.

Dhanka kale haddii aynu ka eegno caddaaladda waa rukunka ugu muhiimsan dowladnimada oo ah mid ay kalsooni buxda ku qabi karaan shacbigu haaddi ay ilaaliso dowladda iyo xukuumaddu,gaar ahaan dhinaca garsoorka oo ay umaddu baahi weyn u qabto,taasoo ay shacbigu ka niyadjabsan yihiin qaabka ay hadda wax u socdaan ee xagaa caddaaladda .

Haddaba,dowladda iyo Xukuumadda cusub waxay dadka Soomaaliyeed uga fadhiyaan  abuuridda garsoor caddaalad ah oo shacbiga u kala  qaada  xuquuqaha ay kala tabanayaan iyo waxyaabaha ay isku heystaan haaddii taa la helona dowladdu waxay cagta saareysaa tubta toosan ee horumarka caddaaladda iyo dib u dhiska garsoor hagaagsan oo ay mahdiyaan shacbiga Soomaaliyeed ,waxayna dowladda iyo xukuumadda ay heli doonaan kalsoonida dadkeeda iyo kor u qaadidda horumarka dalka oo ay furo u tahay sugidda caddaaladda iyo garsoorka.

Haddaba dowladda iyo Xukuumadda waxaa laga sugayaa  in ay awood saarto hirgelinta nabadgelyada iyo caddaaladda oo ah furayaasha ugu horeeya oo ay dowadi ku dhaqaaqdo marka loo eego dowlad sal adag oo keenta ama hanata kalsoonida umadda  Soomaaliyeed oo ku kala tagtay caddaalad  daridii soo wajahday sanooyinkii dheeraa.

 

W/qoray Jeylaani C/lle Juujuule

Previous Post

Jaaliyadda Xamar iyo Xamardaye ee Sweden oo taageeray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre “SAWIRRO”

Next Post

Kulan Looga Hadlay Amniga Iyo Abaaraha Oo ka Dhacay Muqdisho

Next Post
Kulan Looga Hadlay Amniga Iyo Abaaraha Oo ka Dhacay Muqdisho

Kulan Looga Hadlay Amniga Iyo Abaaraha Oo ka Dhacay Muqdisho

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In