Sunday, April 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Faalo: Jiilaalka iyo jawiga dabeylaha dhacaya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Faalo: Jiilaalka iyo jawiga dabeylaha dhacaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho-Waxa aan ku jirnaa bilowga xilliga Jiilaalka oo gaar u ah in ay isbedelada qaar sida dabaylo xoogan, qorax ama cadceed aad u kulul ay ka dhacaan dalkeena Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale isbedel ku imaanaya ama ku yimid wakhtiyo ay kamid tahay kuwa salaadda, waxaa sidoo kale kuu baxaya oo aad dareemaysaa in ay si u kale dheer yihiin habeenka iyo maalinta.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026

Xilligan Jiilaalka ayaa wakhtiga uga adag waxa qaabila oo ay wajahaan dadka ku dhaqan gobalada qaar ee dalkeena si gaar ahna bartamaha iyo kuufurta Soomaaliya, iyagaas ayaa laftooda sii kale liita oo ay ka jirtaa xilligan xaalado beni’aadinimo aad u daran.

Gobalada ay xaaladaha ben’adanimo ay ka jirta waxaa ka mid ah gobalka Gedo oo dhaca koofur galbeed dalkeena Soomaaliya, waxaana ka jirta biyo iyo baad la’aan, waxa aad u adag sida loo helo adeeg biyo oo daboolo uga yaraan baahiyaha ay qabaan dadka intooda badan ku nool tuulooyinka ka baxsan magaalooyinka waaweyn ee gobalkaas.

Tusaale, deegaanka Ceel-Cadde oo u jira 60 KM magaalada Garbaharey ee xarunta gobalka Gedo waxaa dhawaan ka dhacay weerar bahalnimo oo ay ku qaadeen Shabaabku fariisin ay ciidanka Kenya ee qaybta ah hawl-galka midowga Africa waxaana halkaas ka dhacay barakac kii uga darnaa ee ay ebed tuuladaasi soo marta.

Sida ay xaqiijiyeen mudanayaal ka tirsan Barlamanka Soomaaliya oo deegaankaasi ka soo jeeda, hay’addaha dhinaca beni’aadinimada iyo dadka deegaanka oo la hadlay warbaahita maxaliga iyo tan caalamiga ahba in dadkii halkaa ka barakacay ay haysato xaalad nololeed oo aad udag ayna dadka nugul sida carruurta, waayeelka iyo haweenka u dhintaan haraad iyo baahi darted ayna u baahan yihiin gurmada deg-deg ah.

Warbixin ay hay’adda UNICEF oo qaabilsan hooyada iyo dhalaanka soo saartay bishii July ee sannadkii 2015 ayna uga hadlaysa xaalada beni’aadinimo ee dalka Soomaaliya ayay ku sheegtay xadiga baahidaas waxaana ay codsatay lacag dhan US$ 111,705,413 si wax loogu qabto.

Marka aan u soo laabto magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa sidaa sida lamida ay uga jiraan xaaladaha beni’aadinimo inkesta oo ay u gaar tahay dadka barakaca ah ee ku jira xeerooyinka.

Tan kalena waxaa dhacaya dabeylo xoogan oo siigo ama ciid badan oo wasakh ah wadato taasoo hawl malmeedka qaar ee qaybta ka ahaa nolosha dadka shaqo ku soo kordhisay oo dhinaca nadaafada ah.

Haddii mar ama laba uu qubeysan jiray qofka hadda maya, haddii xafiis, guri, maqaxi ama hotel mar ama laba laga qaban jiray hawlo nadaafadeed hadda mayo oo 3 ama 4 jibaar shaqo nadaafadeed ayaa loogu baahan yahay, waxaa koror ku imaanaya biilasha biyaha, korontada iyo mushaar shaqaalaha ka shaqaynaya maadaama hawlahu bateen.

Mar aan socod ku soo maray qaybo badan oo magaalada kamida waxyaabihii ay dhigtaydu maqashay oo ishayduna qabatay waxa ay ahaayeen in dad badan oo isuga jira rag iyo dumar oo da’ kasta leh ay cabasho ka moojinayaan dabeylahan isbedela xilliga jiilaalka wata, kuwa ayaa kuu sheegaya in ay xajisan Karin dharka ay xiran yihiin iyo alaabta ay gacanta ku sitaan dabaylaha dhacaya awgood, halka kuwa kalena ay sheegayaan in ay u cabsi qabaan in guraha ay ku jiraan ay dabeesha qaado ama kusoo dul dumiso.

Wiilal iyo gabdho ayaa wata muraayadaha indhaha oo ay sheegeen in ay yihiin kuwa kumeel gaar ah oo ay ciida iyo dabeylaha haddda socda uga gudbayaan sidaas ay suuqa uga soo iibsadeen een aan ahayn kuwa dhakhtra u soo qoray oo caafimaad ahaan u sitan.

Waxaa sidoo kale mahad ah in aan ilaa hadda la soo werin dab meel ka kacay oo khasaare ka dhashay oo xilligan oo kale la filan karo ama ay dhici jireen waxaana loo sababayna iibka goobaha shidaalka lagu iibin jirin suuqyada oo isbedel lagu sameeyay loona noqday ama la sameystay kaalimo shidaal oo dhulka keedkooda ku jira.

Inkesta oo la yiraahdo ninba halka bugta ayey bil-bishaa oo aan ula jeeda in ay culeys nagu hayso isbedelka cimilada ama jawiga aan hadda dhex jabaaxayno waxaase xusid mudan in aan ku nool nahay bey’o aad u wanaagsan oo alle nagu manaystay oo ay tahay inaan ugaga mahad naqno eebe weyne marka loo eego dunida inteeda kale.

Mareykanka iyo dalal badan oo yurub ayaa hadda wajahaya isbedelo xilli oo aad u daran waxaan dhacaya baraf xoogan oo hakad geliyey kuman duulimaad iyo gaadiid intaba haddaba waxa aan faaladayda ku soo gaba-gabeynayaa inaan dulqaad u yeelano isbedelka aan joogtada ahaan doonin ee qaadan doona maalmo la tirinayo, kuna dadaalno nadaafada iyo diyaar garowga saameynta imaan karta xilliyadan oo kale.

Qoraa: Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

E-mail: [email protected]

Previous Post

R/asaare Ku-Xigeenka oo maanta furay qorshe horu-marineed oo lagu hirgelinayo siyaasadda kala-duwanaanshaha noolosha Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay madaxweyne ku xigeenka Ciraaq Iyad Allawi “Sawirro”

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay madaxweyne ku xigeenka Ciraaq Iyad Allawi “Sawirro”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay madaxweyne ku xigeenka Ciraaq Iyad Allawi “Sawirro”

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaadatay ururrada Haweenka,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulan muhiim ah la-qaatay dhiggiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

April 4, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashaneysa shirkadda Somali Fuel Company (SFC), ayaa maanta deeq raashin ah ku wareejisay...

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

April 4, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qaybgalay munaasababad lagu daahfurayay Xarunta Shaybaarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In