Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Fadaa’isha bisha barakaysan ee Ramadan (MAQAAL)

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Isku aadka tartan cilmiyeeka bisha Ramadaan oo la soo saaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Fadaa’isha ay leedahay Bisha Ramadaan ma aha wax lagu soo koobi karo qoraal ama dhowr maqaal, waxaa laga qoray kutub aad u waaweyn, hadabba waxaan isku dayeenaa in aan ka tilmaano waxooga ka mid ah fadaa’ishaasi:

Waxyaabaha Rabbaaniga ah waxaa ka mid ah in uu Allaha kala fadilo waqtiyada, wuxuu ka fadilay Bisha Ramadaan dhammaan bilaha kale ee Sanadka,wuxuu ku gaaryeelay Bishan fadli aad u weyn oo ay uga soocan tahay bilaha kale,waxaana kamid ah fadaa’isha kuwa soo socoda:

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

1. Waa Bishii la soo dajiyaya Quranka iyo dhammaan Kutubta kale ee Saamiwiga ah.
قال الله تعالى Ilaaheey waxa uu yiri:-

{ شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِيَ أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ فَمَن شَهِدَ مِنكُمُ الشَّهْرَ فَلْيَصُمْهُ وَمَن كَانَ مَرِيضًا أَوْ عَلَى سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِّنْ أَيَّامٍ أُخَرَ يُرِيدُ اللّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلاَ يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ وَلِتُكْمِلُواْ الْعِدَّةَ وَلِتُكَبِّرُواْ اللّهَ عَلَى مَا هَدَاكُمْ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ } (185) سورة البقر
، وعن واثلة بن الأسقع رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : ( أنزلت صحف إبراهيم عليه السلام في أول ليلة من رمضان ، وأنزلت التوراة لست مضين من رمضان ، والإنجيل لثلاث عشرة خلت من رمضان ، وأنزل الفرقان لأربع وعشرين خلت من رمضان ) رواه أحمد .

2. Waa Bisha la faradyeelay Soonka.
3. Waa Bisha Towbada iyo dambi dhaafka.

Allaah wuxuu Quraanka Kariimka ah ku yiri: Waxaan idinku Waajib yeelay soonka; Hadaad tihiin ummadda ‘Nab’i Muxamed (NNKH), sida aan ugu Waajib yeelnay ummadihii idinka horeeyey, waxaad mudantihiin inaad cabsataan. Sidoo kalena Allaah wuxuu xadiisu Qudsi ku yidhi:-Soonka aniga ayaa iska leh aniga ayaana ka abaal marin doona Adoomadayda. Rasuulkeena suuban (SCW) wuxuu xadiis saxiixa ah ku yidhi “Soonka Bilawgiisu waa Raxma, Dhexdhaxaad kiisuna waa dambidhaaf, dlammaadkiisna Naarta ayaa la’iska xoreeyaa”.
KHAYRKA BISH SOON
• Quraankaa soo Dagay
• Leylatul Qadar ayaa ku jirta
• Albaabada cadaabta ayaa la xiraa.
• Albaabada Jannada ayaa la furaa
• Sheydaanka la xidhaa
• Waa bil cibaado badan
• Gaajada oo laga wada sinnaado
• Waxay beertaa is jaceyl.
• Sakada Soonka oo nafta daahirisa.
NOOCYADA SOONKA
• Bisha Soon (faral)
• Lix beri shawaal (sunne)
• Toban beri dul xajih (sunne’)
• .Laba beri caa,shuutaa;(sunne)
• Isniin & Khamiis (sunne)
• Bil kasta seddex beri (sunne)
SOONKA YUU WAAJIB KU YAHAY?
• Qofkasta.oo Muslim ah
• Qof qaan gaar ah.,
• Qof miyir qaba.
• Qof aan waayeel ahayn.
• Qofkii caafimaad qaba.’
1. Dumar aan Uur lahayn
2. Dumar aan ilmo nuujineyn.
3. Dumar aan caado qabin
4. Dumar aan umul aheyn.
5. Qof aan musaafir ahayn.

MAXAA SOONKA JEBIYA?
1. Gaalmada
2. Diinta oo laga baxo lana caayo
3. Shahwad iska keenid adoo soo jeeda.
4. Haddii uu qofku wax cuno ama wax cabo ula kac ahaan.
5. Haddii uu isku mudo irbad qofka jirkiisa nafaqo galinaysa,
6. Dhiig bax qofku la taag darreeyo
7. Dumarka oo caado ku dhacdo ama umula.
8. Haddii toobinku dhiig kaa keeno.
9. Haddii uu ula kac u matago.
WAXYAABAHA AAN SOONKA JEBIN HADDII AY DHACAAN.
1. Qof soomanaa haddii uu wax cuno ama cabo isagoo hilmaansan.
2. Hadduu-cabo asagoo u qaba in qoraxdii dhacday ama in uusan waagu baryin.
3. Haddii luqluq ku fakado.
4. Haddii qof isku junubo asagoo hurdo.

SOONKA MUXUU DAAWO U YAHAY?
1. Dibirada Caloosha.
2. Joojinta Sigaarka iyo dhamaan balwadaha kale
3. Calool xanuunka.
4. Iscaateynta qofka buuran.
5. xanuunka macaanka.
6. Kelyo xanuunka.
7. Wadna xanuun.
8. Gaastiriiga.
9. joojinta cunista qaadka .

Sidaa awgeed waxaynu ku khasbanahay in aynu qiimayno sirta bishan barakeysan ee Ramadaan ku jirta ee loo baaahan yahay in lagu dhaqmaana ay tahay in la ilaaliyo dhegaha, afka iyo carabka, si aan dembi loo gelin, isla markaana quraan badan la akhriyo, Ilaahayna waxaan ka baryaynaa in uu bisha barakaysan inoo naxariisto, dembigeenana uu dhaafo oo uu naarta inaga xorreeyo. Marka la ducaysanayana waxaan soo jeedinayaa in lagu daro ducada Illaahayow arlada aanu degganahay noo aslixi, naguna cisee dambi dhaafna noo same. Waxaa soo marnay ama aan la kulanay dunuub badan oo ilaahay inaga jarayo, haddii aanan si dhab ah loo toobad keenin, sidaa awgeed, waa in laga toobad keeno, islmarkaana la badiya Istiqfaarta iyo ducooyinka.

W.D:-C/laahi Ruush

Previous Post

DAAWO:-Ambassador Keating oo Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Bilashada Bisha Ramadaan.

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Gedo oo lacag loogu talagalay Gurmadka Fatahaada ku wareejiyay Maamulada degmooyinka Doolow,Baladxaawo iyo Luuq

Next Post
Daawo Sawirrada: Wabiga Shabeelle oo qarka u saaran in uu ku fataho deegaanno hor leh

Guddoomiyaha Gobolka Gedo oo lacag loogu talagalay Gurmadka Fatahaada ku wareejiyay Maamulada degmooyinka Doolow,Baladxaawo iyo Luuq

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In