Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Fadhiga 2-aad ee shirka Wadatashiga Qaranka oo warbixin lagaga dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliska Ciidanka XDS

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Fadhiga 2-aad ee shirka Wadatashiga Qaranka oo warbixin lagaga dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliska Ciidanka XDS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey fadhiga Labaad ee Shirka Wadatashiga Qaranka oo ka socda Magaalada Muqdisho, kaas oo lagaga arrinsanayey wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-shabaab.

Fadhiga maanta oo laga soo qeyb-geliyey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa warbixin looga dhageystay Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise oo hoggaamin doona howlgalka isku dhafka ah ee Ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa dalalka dariska ah oo qaadaya howlgal mideysan oo Soomaaliya lagaga sifeynayo argagixisada Alshabaab. Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa  soo bandhigay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, caqabadaha jira iyo qorshaha la xiriira ka miro-dhelinta wajiga 2-aad ee dhawaan ka bilaabanaya dowlad-goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in dalkeennu uu maanta marayo marxalad taariikhi ah, loogana baahan yahay shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed in ay gacmaha is-qabsadaan, si loo xaqiijiyo in ubadkeennu ay u helaan nolol wanaagsan, horumar iyo amni, taas oo ay aas-aas u tahay in la cirib taro argagixisada dhibaateysay shacabkeenna.

Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ayaa ku bogaadiyey Ciidamada Soomaaliyeed sida naf-hurnimada leh ee ay ku xoreeyeen deegaanno iyo degmooyin badan oo ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug, waxayna ammaaneen doorka weyn ee ay qaateen bulshada deegannada la xoreeyey oo garab iyo gaashaanba u noqday Ciidamada Qalabka Sida.

Previous Post

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga G/Banaadir oo la kulmay saraakiisha ciidanka xasilinta Caasimadda

Next Post

Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay hub iyo dad lala xiriirinayo khawaarijta

Next Post
Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay hub iyo dad lala xiriirinayo khawaarijta

Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay hub iyo dad lala xiriirinayo khawaarijta

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In