Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Fadhiga Labaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo warbixin lagaga dhageystay Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Fadhiga Labaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo warbixin lagaga dhageystay Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey fadhiga Labaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka socda Magaalada Muqdisho ayaa warbixin lagaga dhagaystay Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo safar shaqo ku jooga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo soo bandhigay xaaladaha amni iyo bulsho ee deegaannada SSC ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda adkeynta iyo ilaalinta gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya, isagoo kulankan uga mahadceliyey Xubanaha Golaha Wadatashiga Qaranka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Shirkan waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Previous Post

Hay’adda Tayo dhowrka oo Dekadda ku qabatay bur qoyay oo la doonayay in loo iib geeyo Suuqa

Next Post

Taliyaha Ciidanka XDS oo Mareykanka kala wareegay gaadiid dagaal

Next Post
Taliyaha Ciidanka XDS oo Mareykanka kala wareegay gaadiid dagaal

Taliyaha Ciidanka XDS oo Mareykanka kala wareegay gaadiid dagaal

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In