Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Fanaanadii Qaran Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ku geeriyootay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Fanaanadii Qaran Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ku geeriyootay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Alle ha u naxariistee waxaa galabta Muqdisho ku geeriyootay fanaanadii Qaranka Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ee mudada dheer caanka ah, sida ay inoo xaqiijiyeen ehelkeeda.

Saynab waxay heesaysay 1964-tii ka hor, waxaana ay caan noqotay markii ay ku biirtay kooxdii xoogga dalka, waxaana Riwaayaddii ugu horraysay ee wax ka jisho ay ahayd Alla Aamin Ma Iisho, taas oo uu alifay Abwaan Axmed Saleemaan Bidde.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Fanaanadda oo qaadday heeso badan oo Jacayl iyo wadani leh ayaa ka mid ahayd fanaaniintii ugu horreeyey ee lagu aas aaso kooxdii Waaberi, waxaana ay qayb ka ahayd riwaayado badan oo si wayn bulshada Soomaaliyeed ugu dhex faafay.

Waqtigii burburka Saynab Xaaji Cali Baxsan inta badan waxay ku noolayd Muqdisho, marka laga reebo Jabuuti iyo Turkiga oo caafimaad ahaan loogu qaaday, waxaana ay dhawrkii sano ee ugu dambaysay ay ahayd dhul yaal.

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir, Hobollada Waaberi iyo bahda suugaanleyda Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Saynab Xaaji Cali Baxsan.

“Naxariistii Janno Alle ha ka waraabiyo Abwaanadii Qaranka Saynab Xaaji Cali Baxsan oo galabta ku geeriyootay gurigeeda oo ku yaal magaalada Muqdisho. waxay ahayd halyey Qaran, waxay ku qaadatay halganadii Gobanimo doonka, difaacida Sharafka iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed bilado dhowr ah. Allaha ha u naxariisto, guud ahaan Ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo” ayuu yiri Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Inaa Lilaah Wa Inaa Ilayhi Raajicuun

Previous Post

Wasaaradda Amniga Galmudug oo war qoraal ah ka soo saartay fal dil ah oo ka dhacay Gobolka Mudug

Next Post

Madaxda Qaranka oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Seynab Xaaji Cali Baxsan

Next Post
Fanaanadii Qaran Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ku geeriyootay Muqdisho

Madaxda Qaranka oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Seynab Xaaji Cali Baxsan

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In