Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Fanaanadii Qaran Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ku geeriyootay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Fanaanadii Qaran Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ku geeriyootay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Alle ha u naxariistee waxaa galabta Muqdisho ku geeriyootay fanaanadii Qaranka Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ee mudada dheer caanka ah, sida ay inoo xaqiijiyeen ehelkeeda.

Saynab waxay heesaysay 1964-tii ka hor, waxaana ay caan noqotay markii ay ku biirtay kooxdii xoogga dalka, waxaana Riwaayaddii ugu horraysay ee wax ka jisho ay ahayd Alla Aamin Ma Iisho, taas oo uu alifay Abwaan Axmed Saleemaan Bidde.

Related posts

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise-Sharcyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise-Sharcyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

September 26, 2026
Meydka Wariye Maxamed Aweys Muudey oo maanta Salaaddii Janaasada lagula tukaday Muqdisho

Meydka Wariye Maxamed Aweys Muudey oo maanta Salaaddii Janaasada lagula tukaday Muqdisho

September 26, 2026

Fanaanadda oo qaadday heeso badan oo Jacayl iyo wadani leh ayaa ka mid ahayd fanaaniintii ugu horreeyey ee lagu aas aaso kooxdii Waaberi, waxaana ay qayb ka ahayd riwaayado badan oo si wayn bulshada Soomaaliyeed ugu dhex faafay.

Waqtigii burburka Saynab Xaaji Cali Baxsan inta badan waxay ku noolayd Muqdisho, marka laga reebo Jabuuti iyo Turkiga oo caafimaad ahaan loogu qaaday, waxaana ay dhawrkii sano ee ugu dambaysay ay ahayd dhul yaal.

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir, Hobollada Waaberi iyo bahda suugaanleyda Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Saynab Xaaji Cali Baxsan.

“Naxariistii Janno Alle ha ka waraabiyo Abwaanadii Qaranka Saynab Xaaji Cali Baxsan oo galabta ku geeriyootay gurigeeda oo ku yaal magaalada Muqdisho. waxay ahayd halyey Qaran, waxay ku qaadatay halganadii Gobanimo doonka, difaacida Sharafka iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed bilado dhowr ah. Allaha ha u naxariisto, guud ahaan Ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo” ayuu yiri Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Inaa Lilaah Wa Inaa Ilayhi Raajicuun

Previous Post

Wasaaradda Amniga Galmudug oo war qoraal ah ka soo saartay fal dil ah oo ka dhacay Gobolka Mudug

Next Post

Madaxda Qaranka oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Seynab Xaaji Cali Baxsan

Next Post
Fanaanadii Qaran Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ku geeriyootay Muqdisho

Madaxda Qaranka oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Seynab Xaaji Cali Baxsan

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise-Sharcyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise-Sharcyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 19-aad, waxaana Shir guddoomiyey Guddoomiye kuxigeenka labaad...

Meydka Wariye Maxamed Aweys Muudey oo maanta Salaaddii Janaasada lagula tukaday Muqdisho

Meydka Wariye Maxamed Aweys Muudey oo maanta Salaaddii Janaasada lagula tukaday Muqdisho

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Alle ha u naxariistee, maanta ayaa Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho laga soo dejiyay meydka marxuum Wariye Maxamed Aweys...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo soo magacaabay agaasimeyaal guud

Ra’iisul Wasaare Xamse oo soo magacaabay agaasimeyaal guud

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda...

Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xalay ka qaybgalay kulan soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In