Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Faysal Samow Shaahidkii Shahiidka ahaa.!!!

admin by admin
8 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Faysal Samow Shaahidkii Shahiidka ahaa.!!!
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariistee Faysal Salaad Samow wuxuu ka mid ahaa dhalinyarada aadka u fir-fircoon ee dalka gudisiisa wax ku bartay, sidoo kalana ka shaqaynayay horumarinta iyo dhiiragalinta dhalinyarada iyo ardayda haatan ku jira waxbarashada.

 

Related posts

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026

Faysal wuxuu ku dhashay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan Sanadku markii uu ahaa 1988, wuxuu ka mid ahaa qoys ka kooban 14-ruux marka lagu daro Hooyo iyo Aabe.

Waxbarashadiisa aas-aasiga ah, sida hoose dhexe iyo sare wuxuu ku soo qaatay magaalada Baladwyne, sidoo kale 2016-kii ayuu ka baxay Jaamacadda Soomaaliya (UNISO)  xarunteeda magaalada Muqdisho, kulyada maamulka iyo Ganacsiga.

Faysal Salaad, xiligaan wuxuu ku jiray Waxbarashada Jaamacadda,
Faysal Salaad, xiligaan wuxuu ku jiray Waxbarashada Jaamacadda.

Faysal marka laga soo tago waxbarashadiisa wuxuu sidoo kale haatan wuu ka shaqaynayay Waxbarista Ubadka Soomaaliyeed ee soo baxaya.

Wuxuu ahaa Macalin wuxuuna mid ahaa Macalimiintii ugu horeeyay ee loo qaatay Barnaamijka Aada dugsida (Go to School), wuxuuna macalin ka ahaa Afartii sano ee ugu dantaysay Dugsiga Yaasiin Cismaan ee ku yaala degmada Boondheere.

Xasan Jimcaale Cadaan oo ah maamulaha Dugsiga Yaasiin Cismaan ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Faysal uu ahaa macalin fir-fircoon, oo dabeecad wanaagsan leh, sidoo kalana xiriir fiican la leh macalimiinta ay wadashaqaynayeen iyo ardayda iskuul-ka.

Allaha u naxariistee Faysal Salaad Samow wuxuu ahaa shaqsi markasta waqtigiisa ugu badan ku bixiya dhiiragalinta Dhalinyarada, isagoo ku dhiiragalinayay inay waxbartaan.

Wuxuu aas-aasay Xarunta Tababaratad iyo Horumarinta Ardayda Soomaaliyeed, taas oo ka shaqaysa kobcinta Aqoonta dhalinyarada.

2016-kii Allaha u naxariistee Faysal Aabihiis Salaad Samow iyo wiil ay walaalo yihiin ayaa maleeshiyaadka Al-Shabaab waxay ku dileen magaalada Baladweyne, iyagoo sidoo kale halkaasi ku dhaawacay wiil kale oo ay wada dhasheen Faysal.

28-kii October 2017-kii wiil kale oo la dhashay Faysal oo lagu magacaabi jiray Bile Salaad Samow ayaa maleeshiyada Al-Shabaab waxay ku dileen Qarax ay ka gaysteen Hotelka Naasahablood-2, ee magaalada Muqdisho.

Bile Salaad Samow, wuxuu ahaa Faysal da'da ka yar, wuxuu ku baxay Gacanta Al-Shabaab
Bile Salaad Samow, wuxuu ahaa Faysal da’da ka yar, wuxuu ku baxay Gacanta Al-Shabaab

22-December 2018, oo shalay ahaydna Al-Shabaab waxay Qarax ku dileen Allaha u naxariistee Faysal Salaad Samow.

Ka hor inta uusan uusan geeriyoon Faysal wuxuu ka bad baaday Qaraxa Al-Shabaab ay ku qarxiyeen meel u dhow Tiyaayarka Qaranka, Ka dibna wuxuu tagay isagoo nabad qaba Dugsiga uu macalinka kahaa ee Yaasiin Cismaan, wuxuuna Bartiisa Facebook-ga ku soo qaray inuu ka bad baaday Qaraxa, laakiin wuxuu ku geeriyooday Qarax kale oo Al-Shabaab ay ka gaysteen meel u dhow Dugsiga uu ku sugnaa ee Yaasiin Cismaan.

Ehelada Marxuumka iyo Maamulka Iskuulka uu ka shaqaynayay ayaa inoo sheegay in Allaha u naxariistee Faysal uu isku diyaarinayay Sanadka cusub inuu guursado, iyadoo loo doonay Gabadhii uu guursan lahaa.

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/12/WARBIXIN-FESAL-SALAAD-SAMOW-.mp3

W/D:- Naciimo Cabdi Saciid (Naciimo Shiino)

Previous Post

Maxaa looga hadlay kulanka Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka ?+Sawirro

Next Post

Madaxweynaha JFS oo Dowladda iyo shacabka Sacuudiga uga tacsiyadeeyay geerida Amiir Talaal Bin C/casiis

Next Post
Madaxweynaha JFS oo Dowladda iyo shacabka Sacuudiga uga tacsiyadeeyay geerida Amiir Talaal Bin C/casiis

Madaxweynaha JFS oo Dowladda iyo shacabka Sacuudiga uga tacsiyadeeyay geerida Amiir Talaal Bin C/casiis

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise-Sharcyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise-Sharcyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 19-aad, waxaana Shir guddoomiyey Guddoomiye kuxigeenka labaad...

Meydka Wariye Maxamed Aweys Muudey oo maanta Salaaddii Janaasada lagula tukaday Muqdisho

Meydka Wariye Maxamed Aweys Muudey oo maanta Salaaddii Janaasada lagula tukaday Muqdisho

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Alle ha u naxariistee, maanta ayaa Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho laga soo dejiyay meydka marxuum Wariye Maxamed Aweys...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In