Fowsiyo Axmed Cali oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Ottawa dalka Canada, ayaa sheegtay inay soo dhaweynayaan xafladda caleemo saarka ah ee maanta ka socoto magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, Is lamarkaana lagu caleemo saarayo Madaxweynaha la doortay ee Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo
Fowsiyo oo la hadashay Radio Muqdisho iyada oo ku sugan magaalada Ottowa ayaa tilmaamay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada ay sameeyeen isu soo baxyo ay ku taageerayaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxaana ay intaa ku daray in Jaaliyaddu ay marwaliba garab taagantahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si looga wada shaqeeyo horumarka dalka.
“Waxaan hambalyo iyo bogaadin halkan ugu dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maanta waa maalin taariikh ah, waan soo dhaweyneynaa xafladda lagu caleema saarayo Madaxweynaha, aad iyo aad ayaan u soo dhaweyneyanaa, waa maalin weynta maanta oo ay ku beegantahay 22-ka Febraayo” ayay tiri Fowsiyo.
Fowsiyo Axmed Cali oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Ottawa dalka Canada ayaa shaaca ka qaaday in xafladda caleema saarka Madaxweynaha kadib ay markale qaban doonaan xaflad lagu taageerayo Madaxweynaha cusub, waxaana ay intaa ku dartay inay diyaar u yihiin la shaqeynta dowladda cusub.
Fowsiyo ayaa sheegtay inay wadaan qorshe ay kaga qeyb qaadanayaan abaaraha ka jirta dalka ee saameynta ku yeelatay dadka iyo duunyada.
Fowsiyo Axmed Cali oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Ottawa dalka Canad ayaa shaqaaleysiiyay in ka badan 40 dhallinyaro Soomaali ah, maadaama ay leedahay goobo ganacsi oo ay uga faa’iideysay in Soomaalida dalkaasi ku nool ay ka shaqeeyaan xarumaha ganacsi ee ay Fowsiyo leedahay.
Halkan ka dhageyso Wareysiga oo dhameystiran