Kulanka looga hadlyay qaabka loo fulin karo qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamaiga, aqoonyahanno Soomaaliyeed oo wax ka dhiga Jaamacadaha dalka qaarkod iyo Masuulayiin kale.
Mas’uulayiinta ka qeybgalay kulanka ayaa wax ay is dhaafsadeen aragtiyo ku aadan sida looga faa’iideysan karo mashaariicda ku jira qorshaha Horumarinta Qaranka iyo Hanaanka loo fulin karo.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskashiga Caalamiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali ayaa
“Shirkan maanta waxa uu ku saabsanaa sida loo fulin karo qorshaha horumarinta Qaranka iyo Qolooyin aan dooneyno in ay naga saacidaan tababbarka, isla markaana xagga fulinta ay noqoneyso Wasaaradda oo ah maskaxda iyo cilmiga aan u wadno inay dalka mashaariicda Qaranka laga hirgeliyo, macalimiinteena way naga qeybgaleen” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta Mudane Cabdullaahi.
sanadkan 2017 ayaa waxaa si rasmi ah u bilaawday hirgalinta qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo iminka ay bilaatay tababbarka iyo qaabka loo fulin karo qorshaha.