Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gaalkacyo: Haween Naafo ah oo la baray xirfado ay ku shaqeystaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Xuska maalinta haweenka adduunka oo ka socoto Muqdisho iyo gobollada dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkaan oo ahaa mid xirfado dhanka shaqada la xiriirta, isla markaana si lacag la aan ah loogu barayay muddo lix bilood qaar ka mida haweenka Naafada ah ee ku nool magaalada Gaalkacyo ayaa loo soo gaba gabeeyay ilaa labaatan haween ah oo naafo ah, kuwaasi oo la baray tolidda dharka iyo cilaan saarka.

Tababarkaan oo ay fulintiisa iska kaashanayeen ururka GOWDA oo ah urur ka shaqeeyay ilaalinta xuqquqda haweenka iyo carruurta Naafada ee Galmudug iyo hay’ad lagu magacaabo Abiilis ayaa waxaa xiritaankiisii ka qeyb galay masuliyiin ka tirsan Galmudug iyo xubno ka socday ururada Haweenka iyo naafada ee Gobalka Mudug

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026

Ugu horeyna waxaa munaasabada ka hadlay Waris Cabdullaahi Shirwac iyo Nuur Cabdi Aadan oo ku hadlayay magaca Ururka iyo Hay adda iska kaashaday ayaa waxa ay tilmaameen inay tahay markii u horeysay ay qabtaan tababbar ceenkan ah oo xirfado shaqo la baro haween Naafo ah, taas oo qeyb ka ah qorshaha dhiiri gelinta Dadka aan lixaadkoodu dhameyn.

Sidoo kale munaasabada ayaa intii ay socatay waxaa ka hadlay xubno ka socday ururada haweenka iyo Naafada Gobalka Mudug, kuwaasi oo dhamaantood uga mahadceliyay ciddii isku howshay in markii ugu horeysay Gobalka Mudug xirfado shaqo la baro dad naafo ah.

Duqa Degmada Galkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barre oo soo xiray tababarka ayaa xusay in ka maamul ahaan ay kaalintooda ka qaadan doonaan dhiiri gelinta naafada ku nool magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xarigga ka jaray xarunta Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee Muqdisho

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre “Maanta Wuxuu dalkeenu ku socdaa Jidkii horumarka iyo dhismaha Ciidanka” SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre “Maanta Wuxuu dalkeenu ku socdaa Jidkii horumarka iyo dhismaha Ciidanka” SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre “Maanta Wuxuu dalkeenu ku socdaa Jidkii horumarka iyo dhismaha Ciidanka” SAWIRRO"

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyada kooxda...

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Falastiin Varsen Aghabekian Shahin, ayaa si cad u muujisay taageerada buuxda ee dalkiisu u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In