Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gaalkacyo: Howlgallo qorsheysan oo lagu soo qabtay dad lala xiriirinayo Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Qoysas danyar ah oo deeq Raashin ah loogu Qeybiyay Gaalkacyo “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

laga soo bilaabo 26kii December sanadkii tegay ee 2017 waxaa magaalada Gaalkacyo ka socanayay howlgallo balaaran, isla markaana la xariiray weerarkii kooxda argagixisadaa ay ka geysteen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, kaa oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Howlgalladaan oo ay iska kaashanayaan ciidamada P.S.F DANAB IYO NISA ayaa intii ay socdeen lagu helay xog farabadan oo la xariirta weerarkaasi, waxaana ay ciidamadu gacanta ku dhigeen shaqsiyaad lala xariirinayay in ay gacan saar la leeyihiin kooxda Argagixisada Al-Shabaab.

Howlgalladaan ayaa labadii maalmood ee u danbeeysay lagu qabtay ku dhawaad 10 ruux, kuwaasi oo lagu tuhun sanyahay in qaarkood ay ka tirsan yihiin kooxda Al Shabaab.

Shaqsiyaadka la qabtay oo haatan ku jira gacanta ciidamada Amniga ayaa lagu wadaa in la mariyo baaritaano la xariira falalka ay ku eedeeysan yihiin, inkastoo wali wax war ah aysan kasoo bixin saraakiisha ciidamada Amniga, waxaana la filayaa in marka baaritaanadooda lasoo dhameeyo ay laamaha amniga la soo wadaagi doonaan Warbaahinta.

Intii ay socdeen howlgaladaan ayaa sidoo kale waxaa Ciidamada DANAB ee Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Gaalkacyo ay gacanta ku dhigeen horaantii bishaan hub iyo saanad la sheegay in loo waday Argagixida Al Shabaab ee ku sugan Degmada Xarar Dheere ee Gobolka Mudug, waxaana ciidamadu ay gacanta ku dhigeen shaqsiyaadkii waday kuwaasi oo haatan ku jira Gacanta Ciidamada Amniga

Howlgaladaan ayaa waxaasi weyn usoo dhaweeyay bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo sheegay in ay diyaar u yihiin ka gacan siinta ciidamada qorshaha la dagaalanka kooxda Al Shabaab.

 

 

Previous Post

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Xaafiisyada Madaxtooyada Puntland ee Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo La Kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Bankiga Horumarinta Islaamka “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo La Kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Bankiga Horumarinta Islaamka “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo La Kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Bankiga Horumarinta Islaamka "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In