Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Gaalkacyo oo caawa u gudubtay wareegga 2aad iyo Isku aadka wareegga 2aad oo la shaaciyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka, Warka ugu Weyn
0
Gaalkacyo oo caawa u gudubtay wareegga 2aad iyo Isku aadka wareegga 2aad oo la shaaciyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 15-aad ee wareegga 1aad ku tartami lahaa degmooyinka Hodan iyo Gaalkacyo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Mudug, waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya Bangiga IBS.

Guddoomiyaha Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Yaxye Cali Faarax ayaa sheegay in tartanka ay caawa ku balansanaayeen Hodan iyo Gaalkacyo, balse Tartamayaasha Hodan oo sharuucda tartanka horey u buuxisay, isla markaana dhameystirtay sharciga diiwaangelinta ay cudurdaarteen inay la tartamaan dhigooda Gaalkacyo.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

“Tartamaayasha Hodan runtii warqadaha codsiga horey ayay u soo gudbisteen, waxaana ay buuxiyeen sharuucdii tartanka u yaalay, Gaalkacyana hada waxa ay diyaar u yihiin inay dhankooda tartanka qeyb galaan maadaama ay soo xaadireen, balse Tartamayaasha Hodan ayaa cudur daartay, sida sharciga tartanka uu dhigayo degmadii soo xaadirta ayaa la siinayaa dhibcaha, sidaas ayayna Gaalkacyo ugu gudbeen wareegga xiga ee tartanka”. Ayuu yiri Yaxye Cali Faarax.

Mudane Yaxye Cali Faarax ayaa akhriyay isku aadka wareegga 2aad ee tartanka oo ay isugu soo baxeen 15 koox, halka lagu daro degmadii ugu dhibcaha badnaata wareegga 1aad ee tartanka.

“Sida sharciga tartanka dhigayo waxaa wareegga 1aad ka soo gudbay 15 degmo, waxana lagu daray Degmada Howlwadaag oo 28 dhibcood iyada oo leh laga badiyay, sidaas ayayna tartamayaasha ku noqdeen 16 degmo”.ayuu yiri Yaxye.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 16-aad ee tartanka, waxaa jiri doono afar degmo, iyadoo qeybta hore ay ku tartami doonaan degmooyinka Xamar Jajab iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose, kaasi oo soo gali doono 9:45, halka kan ku xiga ay ku wada tartami doonaan Degmooyinka Kaxda iyo Deyniile oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

 Halkan ka akhriso isku aadka wareegga 2aad ee tartanka 

Sawir Qaade: Sakariye Shiddo

Previous Post

Cismaan Xaadoole oo ku guuleystay kursiga Hop#106

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddoomiyeyaasha Kumeel Gaarka ah ee Labada Aqal “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddoomiyeyaasha Kumeel Gaarka ah ee Labada Aqal “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddoomiyeyaasha Kumeel Gaarka ah ee Labada Aqal “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In